Hawl-wadeenada Wasaaradda Dastuurka oo la barayo curinta Siyaasadaha Iyo qorshayaasha horumarka waara.

0
526

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa Tabobar u furay Agaasime Waaxeedada iyo madax qaybeedadda Wasaaraddaas.

 

Tobobarka uu furay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa xubnaha loo furay waxay ku baran doonaan adeeg bixinta curinta Siyaasadaha Iyo qorshayaasha horumarka waara.

 

 

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland oo furitaanka tobobarkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay muhiimada ay qaranka u leedahay xoojinta iyo kor u qaadida aqoonta shaqaalaha ka hawlgala wasaaraddaasi, loona baahan yahay in kor loo qaado aqoonta agaasimeyaasha waaxyaha wasaaaraddaas iyo shaqaalahaba.

 

Ugu dambayn qaar ka mida agaasimeyaasha waaxyaha wasaaraddaas ayaa ballan qaaday inay ka faa’iidaysan doonaan tabobarkaas, isla markaana shaqooyinkooda ku dabaqi doonaan aqoonta ay ku baran doonaan tobobarkaas.

 

 

 

 

Leave a Reply