Guddida Doorashooyinka oo Diwaan-gelin tijaabo ah ka fuliyey Oodweyne iyo Baligubadle

0
410

Ururrada Bulshada rayidka ah iyo Asxaabta qaranka oo majeertay howlgalka bilowga qabsoomida Doorashooyinka
Qore. Saleeban kalshaale
Oodweyne (Dawan)-Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa diwaan-gelin Doorasho oo tijaabo ah ka bilaabay maanta oo Arbaca ah 2.09.2020 Magaalooyinka Oodweyne iyo Baligubadle.
Diwaan-gelintan oo lagu tijaabinayo hannaanka loo tiro-koobayo dadkii aan codbixiyeyaasha isu diwaan-gelin Olollihii Diwaan-gelinta ee dalka laga qabtay sanadihii 2016-2017, fursadna lagu siinayo Dadka iminka da’dii codbixiyaha gaadhay iyo kuwa ay ka gubteen Kaadhadhka codbixiyeyaashu, kaddib markii ay ku noqnoqdeen diwaan-gelinta, ayaa waxa ay qayb ka tahay bilowga howlaha Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaamada oo lagu wado in ay bilaha soo socda dalka ka qabsoomaan.

Cabdikariin Dalmar oo kamida xubnaha guddida Doorashada ee heer Qaran, hogaaminayana weftiga howsha ka bilaabay Oodweyn, ayaa faahfaahin ka bixiyey diwaan-gelintan iyo ujeedooyinka looga gol leeyahay, waxaanu sheegay in ay hordhac u tahay Diwaan-gelin guud oo dalka laga fulinayo.
“Diwaan-gelintu waxa ay ka kooban tahay laba qaybood. qayb ah diwaan-gelin cusub oo qofkii da’da gaadhay amma aan hore isu diwaan-gelin amma laba jeer is-diwaan-geliyey ee ay tii hore ka baaba’day lagu siinayo fursad uu isku-diwaan-geliyo iyo mid ah Kaadh bedel oo qofkii ka guuraya magaalo ilaa magaalo kale oo loo bedelayo”ayuu yidhi.
Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, Prof. Abyan oo kamida madaxda Xisbiga UCID iyo Saraakiil ka tirsan xisbiga Kulmiye oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in hir-gelinta Diwaan-gelintani tilmaan u tahay bilowga howlaha Doorashooyinka wakhtiga dheer la sugayey.
“runtii diwaan-gelintu si fiican oo habsami ah ayey u socotaa, waxaanay tusaale u tahay in ay howshii Doorashadu bilaabantay, dadku ay ogaadaan in Doorasho dhacayso, dadku ay ogaadaan in diwaan-gelin bilaabmayso”ayuu yidhi Xoghayaha Waddani.
Prof. Abyan ayaa isna dhankiisa tilmaamay”Maanta waa tijaabo diwaan-gelintii codbixiyeyaasha Doorashada, waxa ay tilmaan u tahay in doorasho la gelayo iyo in diwaan-gelin dalka laga samaynayo”.
Geesta kale, Magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd, ayaa shalay laga sameeyey diwaan-gelin hordhac ah oo lagu tijaabinayo habsanaanta iyo sugnaanta qalabka lagu samaynayo Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo la casriyeeyey.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka oo ay weheliyaan xubno kamida guddidaasi, Wakiillo ka socday xisbiyada Qaranka, Ururrada bulshada rayidka iyo Maamulka Gobolka Hawd, ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu daah-furay diwaan-gelintaasi.

Guddoomiyaha Guddida Doorashada Cabdirashiid Riyo-raac oo halkaasi ka hadlay, ayaa ku dhawaaqay in lagu guulaystay fulinta tiro-koobkan tijaabada ah, natiijada ka soo baxdaana furre u noqonayso dhamaystirka howlaha Doorashooyinka soo socda.
“waxaan Shacabka Somaliland ugu baaqaynaa howshii diwaangelintu waataa bilaabantay, waa in loo diyaar-garoobo in la-is-diwaangeliyo oo Kaadhadhka la qaato. waxa kale oo aan u sheegaynaa shacabka Wanaagu nabad-gelyaduu ku jiraaye waa in diwaan-gelinta iyo Doorashadaba nabad-gelyadoooda la ilaaliyo”ayuu yidhi Guddoomiye Riyo-raac.

Guddoomiyaha Dallada ay ku bahoobeen Ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland (SONSAF) Anwar Cabdiraxmaan oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ay talaabo taariikhi ah u tahay qaranka Somaliland howshan diwaan-gelinta ee bilaabantay, ururrada Bulshaduna si weyn u soo dhaweynayaan shaqada ay guddida Doorashadu dhexda u xidhatay.
Xubno ku hadlayey afka Xisbiyda, ayaa iyaguna dhankooda soo dhaweeyey howshan guddida Doorashadu bilowday oo ay ku sifeeyeen mid dhabaha u xaadhaysa qabsoomida Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaamada.

Halkan hoose ka daawo Muuqaal:

Leave a Reply