Wasaaradda Beearaha oo Sanaag ka Wada La Dagaalanka Ayaxa

0
530

Ceerigaabo-(Dawan)-Kooxda la dagaalanka Ayaxa ee wasaaradda beeraha Somaliland ayaa gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sannaag, iyagoo degaanadaasna ka fulin doona hawl-galo ay kula dagaalami doonaan Ayax dhibaato ku haya dhulkii beeraha iyo kii daaqsinta ahaaba.

 

kooxdan la dagaalanka Ayaxa waxa hogaaminaayay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Dr. Axmed Cali Maax, oo sheegay in Ayuxu yahay mid aan meel gaarka ah ku sugnayn ee kolba meel u guur-guura, waxaanu intaas ku daray in Ayaxaasi hadda uu u badan yahay degaano hoos yimaada degmada Ceel-afweyn, iyadoo haddii loo baahdana ay wasaaraddu Ayaxaas kula dagaalami doonto diyaarado.

 

Ugu dambayn guddoomiyaha gobolka Sanaag Eng. Axmed Cismaan Xasan iyo maayarka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa wasaaradda horumarinta beeraha ku bogaadiyay siday uga soo jawaabeen dalabkii ay u direen wasaaradda beeraha ee ku saabsanaa inay ka hawl-galaan Ayaxa dhibaatada ku haya degaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Sannaag, waxaanay intaas ku dareen in maamul ahaan ay kooxdaas ka socda wasaaradda beeraha ay gacan ka siin doonaan habsami u socodka hawl-galkaas la dagaalanka Ayaxa ee ay gobolka ka fulin doonaan.

 

Leave a Reply