“Naafadu Waa Albaab Furan oo lagu Soo Biiro, Gurmadna waanu u Baahannahay”Guddoomiyaha Ururka Naafada

0
786

Qore Faysal Xiis Weerar (Af-gab)

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha urrurka naafada Somaliland Daahir Xaaji Jaamac Diiriye (Awr-table), ayaa bulshada iyo xukuuddaba ugu baaqay inay gacan u fidiyaan dadka naafada ah oo maalin kasta lagu soo biiro, kuna soo kordhaan dad hore leh oo naafo ahi.

Waxaa kale oo guddoomiyuhu sheegay in maanta ay magaalada Hargeysa ku qaybinayaan raashin iyo gaadiidka dadka naafada ah, kuwaaso ka soo kala gaadhay dad reer Somaliland ah iyo Jaaliyada Yemen ee Hargeysa.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu ka hadlay manhajka waxbarashada Somaliland oo uu sheegay in baahi weyn loo qabo in lagu daro farta indhoolayaasha, si dadka aragga naafada ka ahi faa’ideystaan, una helaan waxbarasho ku saleysan manhajka Qaranka.

Dhanka kale waxaa uu farriin u diray ganacsatada, D.P.World, iyo safaaradaha Somaliland deggan.

Guddoomiye Awr-table waxaa uu sidan ku sheegay wareysi gaara oo uu siiyay Wargeyska Dawan “Deeqdani waanu isu keen keenay, waxaa aanu doonayna in aanu gaadhsiino 20-qoys gaadiidka curyaaminta, iyo 20-kale oo aanu raashin siin doono, gaadiidkan Curyaaminta ee aanu qaybin doono anaggu toban xabbo ayaanu ku darnay oo jeebkayaga ah, hantidaasi waxaa ay naga soo gaadhay dadka muxsiniinta ah, weliba Jaaliyadaha dibada iyo ta Yemen ee Hargeysa, waxaanu ka codsanayna xukuumadda iyo ganacsatada, dadweynaha wax nagu dhaama inay gacan noo fidiyaan oo ay noo soo gurmadaan, oo ay nala soo gaadhaan  raashin iyo gaadiidka dadka naafada ah (Gaadhi Curyaan) ganacsatada waxaanu leennahay sakada ayaa nagu filan,”

 

Gudoomiyaha ayaa fariin diray shirkada D.P.World oo uu sheegay in aanay waxba ka soo gaadhin waxyaabaha badan ee ay bixinaysay waxaanu ka codsaday in qorshaha ku darsato dadka naafada ah gacan qabashadooda “Waxaanu ka codsanayna agabka dadka naafada ah inay naga caawiyaan, kaalmada ay bixinayaana in ay qaybtayada na soo gaadhsiiyaan, sababto ah D.P.World maalin walba waxbay bixisa welina maanan arag qof naafo ah oo Somaliland jooga oo ay wax siinayso, maaha wax caqligala,”

Gudoomiye Awr-table oo ka hadlayay dalalka Safaaradaha ku leh Somaliland, ayaa sheegya in urrurka naafadu inuu soo dhaweynayo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan iyo safaarada waddankaasi ka furtay Somaliland waxaanu yihdi .“Taiwana waanu soo dhaweynaynaa, waxaanu leenahay dalkaagii ayaad timid balse waxaa aanu ka codsanayna in ay ugu horeysiiso waxaa ay qabanayso dadka naafada ah qalabkiisa , safaaradkastana waxaa aanu ka codsanaynaa oo dalka ka furan iyo mid soo socotaba waxqabadkooda inay naafada ugu horeysiiyaan, haday tahay waxbarashadooda, caafimaadkooda, kabitaankooda, haddii ay tahay dhakhtarada loo qaadaya”

Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas raaciyay in dadka naafada ah maalin kasta lagu soo biiro, kuna soo kordhaan dad hore leh oo naafo ahi. “Naafadu waa albaab furan oo subax walba lagu soo biiro, ka macaanku ku dhaco ayaa ku soo biira, ka faaligu ku dhaco ayaa ku soo biira, dadka shilalka gaadiidka ku dhaawacma ayaa ku soo biira, dadka naafada ah siyaabo kala duwan ayaa loogu soo biiraa, kuwa madaxa biyuhu kaga furmeen ayaa ku soo biira, marka gaadiidka dadka curyaaminta la’aantood qofna lama qaadi karo ee gaadiidkaasi helitaankooda ha nalaga caawiyo”

Sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu ka hadlay manhajka waxbarashada Somaliland oo uu sheegay in baahi weyn loo qabo in lagu daro farta indhoolayaasha, si dadka aragga naafada ka ahi faa’ideystaan, una helaan waxbarasho ku saleysan manhajka Qaranka. “Waxaa aanu wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ka codsanayna in farta dadka aragga naafada ka ah na loogu daro manhajka, waxaa aanu doonayna in adeegyada waxbarashada ee ay fuliso wasaaraddu ugu horeysiiso dadka naafada ah”

Leave a Reply