Somaliland: Oomane Daad Qaaday

0
476

Faallo: Faysal Xiis Weerar (Afgaab)

Hargeysa (Dawan) Guud ahaan dadweynaha reer Somaliland Miyi iyo Magaalaba, waxaa ay ka cabanayaan biyo la’aan, inkasta oo ay biyo la’aantu ama biyo yaraantu tahay wax jira degaamadu baahida biyood haku kala badnaadaane, hadana weli bulshadu kumay tallo gelin in ay biyo la’aanta ka baxdo dadweyne iyo dawladba.

Dadka reer Somaliland ayay muddooyin badan, marar kala duwan soo maraysay abaar, biyo la’aan, sababtay in la gallo gurmad taaso nafo badan iyo duunya badaniba ku lee’deen, welina waxba lagama baran.

Maalinkasta caasimada Jamhuuriyadda Somaliland dadweynaha ku nooli hadal haynta ugu badan iyo is weydiintoodu waxaa ay tahay biyo, la’aan, biyo yaraan, taas oo aanay ku tallo gelin umaddu ka baxdo biyo la’aanta joogtada ah ee ay ka cabayaan.

Todobaadkan ug danbeeyay ee hada aan ku guda jirno waxaa caasimada Hargeysa iyo magaalooyinka kale dalka ka da’ay roobab joogta ah oo aan u badan, waxaana laga cabanayay daad iyo biyo meel laga maro la waayay, iyada oo la oomaan yahay.

Hadaba waxaa ay isweydiintu tahay bulshadeydu ma waxa ay ku tashatay in aanay waxba qabsan, biyaha cirkana dhulka aanay waxba u dhaxeyn, oo iyaga oo dad inaga qaaday ina dhaafaan, innaguna harraad la nool ahaano.

Guri kasta oo dejista qorshe biyood uu ku sameysto weel uu biyaha roobka kaga dhaansado waxaa uu qoys ahaan uga badbaadi karra biyo yaraanta hoygiisa taalla, waxaanu umadda ka qaban karaa qayb  ka mida dadkii waxyeelada keenayay.

Xarun kasta oo dawladeed waxaa ku taalla beer biyo badan lagu waraabiyo mana jirto xarun kaliya oo biyaha cirka keyd u sameysatay ay ku badbaadiso deegaankeeda, halka biyaha ka dhaca jiingadeedu ama dhismaheedu daad yihiin dadka dhibaateynaya.

Kol haddii innaga oo ooman daad inna qaadayo qoyaan harraadana nahay maxaynu nollol kale maareyna? Majaroorbaynaan laheyne.

Marar badan ayaad maqleysa iyada oo lagu cel celinayo biyaha dooxyada aan qabano oo biya xidheeno aan sameyno, balse waxaa ka horeysa biyaha guriga aan qabano.

‘Bulshadan tabcani nolosha kuma tooste tashado baruuraga’, waxaad tari kareyso ayaad ka oomantehee caqligu ha shaqeeyo jiingadaada hoosteeda weel dhigo, islamarkaana qunyar majaroor u sameyso, ugu yaraan cabbid mooye inta kale aad kaga maarantide, ama jirikaan sido jaarka biya waydii biyaha roobka ee jiingadaduna hakula tagaan.

Leave a Reply