Daraasadaha Caddeeyay Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Kalluunku Leeyahay

0
1405

Maadada Omega-3 acid ayaa laga helaa kaluunka isla markaana aannu jirka bani aadamku soo saarin waxay unugyada neerfisyada ka caawisaa inay fariimaha jirka si fiican u gudbiyaan, xidhiidhka wada shaqayneed ee dhexdooda.
Kaluunka ayaa u fiican:

Maskaxda
Wadnaha Maqaarka Difaaca Jidhka Lafaha Daryeelka Timaha
Kahortaga iyo la dagaalanka cudurka kansarka.
Waxyaabaha cajiibka ah ee uu leeyahay kaluunku waxa kamid ah Hadii qof sikhraan san ama maandooriye isticmaalay la ursiiya waxa markiiba ka tagta sakhrada waxaanu ku soo noqdaa miyirkiisii saxda ahaa.
Warbixin lagu daabacay wargayska Archives of General Psychiatry ayaa sheegtay in saliida kaluunku waxtar badan u leedahay dadka qaba xanuunada maskaxda ee waalida.

Khabiirka hogaaminayey cilmi baadhistan oo lagu magacaabo Dr. Paul ayaa sheegay in saliida kaluunka lagu tijaabiyey dhalinyaro qabta cudurka waalida ee dalka ingiriiska kuwaasi oo qaatay muddo laba todobaad ah. Waxaana uu intaasi ku daray in markii ay qaateen mudadaasi ay badankoodu is bedeleen oo ay kala ladnaadeen xanuunka.

Kalluunka waxa ku jira Vitamin D. Inkastoo unugyada maqaarka gudahood ku ku jiraa ay fiitamiinkan ka helaan iftiinka cadceeda, dadka haysta qorax xadidan oo ay dhici karto inuu ku yaraado fiitamiinka D, Isla markaana uu sababo hab nonleedkooda ama kuwa ku nool cimiladu sare ee loolka ayaa sidoo kale u baahan inay isticmaalaan kalluunka si ay uga helaan fiitamiin D.

Fiitamiin D wuxuu caawiyaa isla markaana waxa uu door wayn ku leeyahay caafimaadka bani aadamka. Noocyada kalluunka ee laga helo Fiitamiin D waxa ka mid a Salmon, Mackerel iyo Sardines, waxaanay noocyadan kaluunku cuntadaada ka caawin karaa aad kaga hortagto inuu jidhkaaga ku yaraado fiitamiin D.

Cilmibaadhis balaadhan oo khubaro Danish ahi samaysay, Tiro aan ka yarayn 70,000 oo dumar uur leh ayaa ka qayb qaatay cilmi-baadhista iyagoo buuxbuuxiyey shax-suaaleed la xidhiidha cuntooyinka ay cunaan, taasoo socotay sannadihii u dhexeeyey 1996-2003. Tan iyo wakhtigaas cilmi baadhayaasha ayaa la socday caruurta dhalatay, iyagoo hooyooyinka ka buuxinaya shax- suaaleed la xidhiidha tusaale ahaan cudurrada diiwaan gashan.

Arintaasi waxay horseeday go’aan si fiican u qodobaysan oo la xidhiidha xidhiidhka ka dhexeeya halista ilmuhu ugu jiro cudurrada xiiqda iyo xasaasiyadda iyo cunitaanka hooyada ee kalluunka intii ay uurka leedahay.
Daraasad ayaa sheegaysa in cunista kaluunka ee caruurta lagu quudiyo ay faa’iido fara badan ka helaan waxa ayna ka hortagaan cudurada iyo mashaakilka neefsashada ku yimaada kaluunka ayaa sidoo kale la ogaaday inuu kordhiyo heerka garashada caruurta.

Caruurta kaluunka la siiyo waa ay ka garasho badan yihiin kuwa aan la siinin ayaa lagu yidhi daraasadan cusub oo dhawaan la sameeyey.
Daraasaa ayaa sidoo kale lagu sheegay in kaluunka sidoo kale u faa’iido u leeyahay dadka waaweeyn oo ay ka helaan fiitamino gaar ah gaar ahaan fiitamiinka Omega-3 acid sidaa daraadeed dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in la joogreeyo cunista kaluunka oo a si siman u wadaqaataan dadka waawayn iyo caruurta todobaadkiiba laba jeer ugu yaraan.
Daraasadan ayaa sidoo kale cadaysay in kaluunku dadka waawayn ka ilaaliyo maqalkooda oo luma gaar ahaana markay gaadhaan da’ahaan 40 ilaa 90 sano, iyada oo ay sheegeen kooxda daraasadaasi samaysay inay kaluunka ku jirto maado macdan ahoo lagu magacaabo Omega-3. Daraasadan oo lagu daabacay wargeska lagy magacaabo American Journal of Clinical Nutrition ayaa lau sheegay in tijaabo lagu sameeyey dumar iyo rag gaadhaaya da’ahaan inta u dhaxaysa 40 ilaa 90 sanno ay ka bed qabaan dhego la’aan iyo dhego culays intaba, iyaga oo sheegay inay todobaadkiiba laba jeer cunaan kaluun.

Leave a Reply