Golaha Guurtida Somaliland oo Warbixin ka Dhageystay Guddida Arrimaha Bulshada ee Golahaasi

0
482

Hargeysa (Dawan)-Mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa warbixin ka dhageysatya guddida arrimaha bulshada ee golahaasi oo kormeer ku soo maray wasaarradaha deegaanka, Diinta iyoAwqaafta iyo wakaaladda Biyaha ee Hargeysa.

Fadhigaas oo uu shirgudoominayey guddoomiye ku xgeenka koowaad ee golaha guutida Somaliland Mudane Siciid Jaamac Cali, waxayna xildhibaannada golahaasi warbixin kaga dhageysteen guddida arrimaha bulshada ee golaha guurtida, waxaana warbixinta guddidaas golaha ka hor akhriyey guddoomiyaha guddidaas Xildhbaan Axmed Daahir Jirde, oo sheegay in ay kormeer ku tageen wakaaladda Biyaha ee Hargeysa iyo goobaha kaydka biyaha ee ay hawlaha biyo ballaadhintu ka socdaan.

Wuxuuna xildhibaan Axmed Daahir, intaas ku daray in ay kulan la yeesheen maareeyaha wakaaladda biyaha ee HargeysaMaxamed Cali Daa’rood, oo uu tilmaamay inuu warbixin wanaagsan ka siiyey qorshayaasha wakaaladda biyaha iyo hanaanka ay u socoto hawsha biyo ballaadhinta biyaha ee caasimadda Hargeysa, isaga oo intaas raaciyey in wakaaladda biyuhu keentay qalabka shaybaadka biyaha oo lagu ogaanayo tayada biyaha iyo badqabkoodaba.

Waxa kale, oo uu xildhibaan AXmed Daahir, sheegay in ay kormeerkooda ku soo mareen wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga oo uu xusay in ay kula kulmeen wasiirka wasaaraddaasi marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, isaga oo intaas ku daray in ay uga xogwarantay hawlaha ay wasaaraddaasi qaranka u qaabilsan tahay oo ay ka mid yihiin la dagaalanka xaalufinta deegaanka, la dagaalanka dhuxusha, la dagaalanka Ugaadha dalka iyo wacyigelin ku saabsan ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, waxay guddidaasi kormeer ku tageen wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland  oo ay kula kulmeen wasiirka wasaaraddaasi Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo ay sheegeen inuu warbixin ka siiyey nidaamka ay wasaaraddu u shaqeyso, isaga oo xildhibaanku intaas ku daray in wasaaradda diinta iyo Aw-qaafta Somaliland samaysay hal manhaj oo ay ugu talo gashay in lagu dhigo dugsiyada Qur’aanka ee dalka, isla markaana ay diiwaangeliyeen madarasadaha iyo macalimiinta wax ka dhigaba, iyada oo wasaaradaasi hirgelisay mac-had lagu tabo bari doono macalimiinta iyo mu’adimiinta dalka.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply