Wasiirka Maaliyadda oo ka Hadlay Xaaladda Dhaqaale ee ùu sababay xannuunka Covid-19

0
956

Hargeysa (Dawan)  Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka warbixiyey saameynta uu xannuunka Coronavirus ku yeeshay dhaqaalaha Dalka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo warbaahinta dawladda u waramay ayaa faahfaahin ka bixiyey habka loo diyaariyo miisaaniyadda Qaranka ee sannadka soo socda, isaga oo sheegay in la diyaariyo sannadka sii dhamaanaya, wuxuuna tilmaamay in odoroskii miisaaniyadda sannadkan aynu ku jirno ay saameyn ballaadhan ku yeesheen xannuunka safmatka ah Covid-19, xajka oo aan sannadkan la tagin, dhoofka xoolaha oo sannadkan yaraa iyo Ayax ku habsaday dalagii beeraha ka soo go’ayey ee dalka.

Waxa kale, oo uu wasiirka maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, xusay in arrimahaas isbiirsaday ay hoos u dhac ku keeneen dalkhliga dawladda iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Sidi kale waxaa uu intaas ku daray in ay xaaladda dhaqaale soo wanaagsanaanayso marka loo eego lixdii bilood ee hore ee sannadkan.

Geesta kale, Dr. Sacad Cali Shire, waxa uu sheegay in ay ku guda jiraan diyaarinta miisaaniyadda qaranka ee sannadka soo socda ee 2021, isaga oo tilmaamay in xukuumaddu dedaal xoogan u geshay sidii looga soo kaban lahaa saameynta xannuunka Covid-19, wuxuuna cadeeyey in mucaawinadii laga filayey beesha caalamka ayna Somaliland ka helin marka laga reebo dawooyin iyo qalab kooban oo ka soo gaadhay, balse ay la tacaalidii xannuunkas ay kaalin mug leh ka qaateen ganacsatada dalku.

Leave a Reply