Magacyadda Guddi Golaha Guurtidu u saartay Xeerka la Dagaalanka Mukhaadaraadka

0
507

Hargeysa (Dawan) Fadhigii saaka ee golaha guurtidda Somaliland oo uu shir-gudoominayayag , gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaasi, Siciid Jaamac Cali, oo ay ka soo xaadireen badi mudanayaasha golahaasi ayaa waxaa uu guddi u saaray xeerka la dagaalanka mukhaadaraadka, kaasi oo ay doodiisa ku guda jireen todobaadyadii ugu danbeeyay.

Xeerkan la dagaalanka mukhaadaraaska ayaa doodiisa mudanayaal badani ka soo horjeesteen, kaas oo ka soo gudbay golaha wakiiladda.

Guddidan loo saaray ka soo tallo bixinta xeerkan ayaa kooban guddi hoosaadka caddaalada iyo mudanayaal golahaasi ah oo uu ku daray.

Gudoomiye ku xigeenka golaha guurtida mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa guddida waxaa uu ku adkeeyay in ay maalinta Salaasada warbixin buuxda ku soo celiyaan golaha.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply