Wasaaradda Waxbarashada oo ku Dhawaaqday Hirgelinta Dhismaha Jaamacada Qaranka Somaliland

0
628

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa wadda qorshe lagu hirgelinayo jaamacada Qaranka oo ka duwan jaamacadaha hadda jira marka laga eego aqoon-yahannada la doonayo in ay ka aflaxaan oo dalka u soo baxaan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska mudane Axmed Diiriye (Toorno) ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka ay u soo baxaan farsamayaqaano jaamiciyiina, oo wax ka bedela wax-soo-saarka khayraadka kala duwan ee dalka, sida macdanta, Hargeysa iyo saamaha, beenyadda, tamarta cadceedda.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in dugsiga boodhinka ee cadaadley uu noqon doono Jaamacada Qaranka Somaliland, lana rejaynayo in sannadka danbe jaamacadaasi furanto lagana aflaxo.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada oo kormeer ku tegay degaanka degmada Cadaadlay ee gobolka Maroodijeex ayaa si weyn ugu mahad naqay oday Nuux Xasan oo muddo badan gacanta ku hayay islamarkaana ilaalinayay dugsigaasi, oo xidhnaa balse aan waxba iska bedelin qaab dhismeedkiisi iyo dhulkiisi.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Midna waa ammaan midna waa dhaliil dhulka la dhisay ee intaaso sannadood dhisna ee aan daaqad qudha sideedi iska baddelin ee Qasabadii sidii u socoto ee wixii la dhigay yaalaan, ee dhirtii ku taallo qaarba dhuxusha shita’e, aan dhirtii la taabanin ee taarkii lagu wareejiyay sidiisi yahay, waxaa ammaantaasi oo dhan iska leh oo qaadanaya Nuux Xasan oo ah isagu ilaaliyaha dugsigan, wasaaradda iyo Qarankuna way kuugu abaal gudayaan.

Dhinaca dhalliishana waxaa weeyaan waxaa aanu haynaa 645-meelood oo Somaliland ah, oo aan fasal ku oolin, oo carruur ku nooshahay kun iyo shan boqoll iyo labaatan meelood oo Somaliland oo degsiimo u liis gareysan lix iyo sideetan kaliya ayaa dugsi sare leh, halkana waxaa ku yaala ayaad tidhaaheen dugsigaa sare mid hoose dhexe, iyo mid boodhina, hadana in sidaasi albaabadiisu  u xidhnaadaan dhaliil ayay ka tahay, degaankuna waa uu leeyahay”

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Axmed Toorno oo ka hadlayay dhismaha jaamacada Qaranka oo uu u asteeyay faraceeda koobaad inuu noqdo cadaadlay lagana faa’ideeyo dugsigani iska xidhnaa waxaa uu yidhi “Waxa aanu waydney qorshe aanu ku sameynayno jaamacada Qaranka Somaliland, halkani waa goobtii ugu horreysay ee Jaamacada Qaranka Somaliland noqoneysay, kuuliyadii ugu horreysay oo noqonaysa kuuliyada waxbarashada iyo tababarka macalimiinta markaa macalimiinta aynu soo saarayna waa in kuwii farsamadu ku jiraan, kuwa kalena meelna Hargeysa ayaa la hirgeliyay meela Laascaanood, tanina hadii ay noo raacdo waa Alxamdulilaah, waxaa aynu ka dhigeyna kuuliyada waxbarashada iyo teknoolajiyada, waxaa meesha ka maqan farsamadii gacanta, wakhtigii aanu waxbaranayay waxyaabihii nala baray waxaa ka mid ahaa dhismaha iyo  makaaninimda.

Hadda waxaa aan doonayaa Sollar energy in lagu barto (Tamarta laydhka cadceedda), beeraha in lagu barto, Haragan xoolaheena ee si aynu nidhaahno aynu garan laahanahay in farsameyntiisa lagu barto, beenyada, macdanta, sannadka sannadkiisa waxaan doonaya in goobtani goob waxbarasho oo wax walba lagu barto ay noqoto imikina waxaa aanu wadna goobtani oo aanu qorsheynay jaamacada Qaranka shuruucdeedii iyo dhismaheedii imika gacanta lagu hayo”

Leave a Reply