Somaliland oo Noqotay Dalka Labaad ee Qabanaya Tartanka 10-ka Akhris ee Qur’aanka Kariimka

0
604

Hargeysa (Dawan) Somaliland, ayaa lagu soo dhaweeyay Culimo si weyn dunida caan uga ah, isla markaana ka mid ah Culimada Islaamka ee ku takhasusay Quraanka Kariimka iyo Culuunta Islaamka, kuwaas oo Somaliland u yimi ka garsooridda tartanka tobanka qaab ee Qur’aan akhriska oo ay noqonayso dalkii labaad ee dunida lagu qabto tartankaas.

Labada Sheekh oo kala ah Sheek Hassan Saleh oo loo yaqaan (Sheik-Qari) oo asalkiisu u dhashay dalka Masar, isla markaana haysta dhalasho Maraykan ah, ayaa sidoo kale Iimaam ka ah North Hudson New Jersey, wuxuuna ku jiraa culimada sida weyn looga danbeeyo qiraa’ada Quraanka Kariimka ah.

 

Sheekh Hassan Saleh, waxa ku weheliyay booqashada uu ku yimi Somaliland Dr. Sheekh Waleed Idiris Al Maneese, oo isaguna ka mid ah culimada caanka ah ee Islaamka oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Masar, balse xilligan degan dalka Maraykanka, isagoo ka mid ah guddida Kulliyadda Daraasaadka Islaamka iyo Carabiga ee Jaamacadda American Open University ee carriga Maraykanka.

 

Labada Sheekh iyo culimida la socotay oo shalay ka soo degay garoonka diyaaraddaha ee Magaalada Hargeysa ee (Egal International Airport), iyadoo ay halkaa ay ku soo dhaweeyeen agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdullaahi Cabdalla, oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan wasaaradda, culimo iyo arday.

 

Xamse Cumar (Xamse Cumar-ku-joog) oo ka mid ah dhallinyarada culimida ku soo dhawaysay Madaarka Hargeysa, ayaa sheegay in labada Sheekh ay ka yimaaddeen xilligan dalka Maraykanka, isla markaana ay dalka Somaliland joogi doonnaan muddo tobban maalmood ah, isagoo xusay in habeennada ay joogaan Somaliland ay qabanayaan tartamo Qu’rraanka keliya la akhriyayo.

 

Sidoo kale, Dr. Cabdiqani, ayaa sheegay inay si weyn ugu farxeen imaatinka culumadan ee Somaliland, isagoo xusay in ay qabanayaan tartamo qurraanka Kariimka ah iyo tababarro la xidhiidha Qurraanka Kariimka ah oo qiraa’ada ah, wuxuuna ku tilmaamay booqashada culimadan in ay ka faa’idaysanayaan dhallinyaro baddan oo reer Somaliland ah.

 

Labada Sheekh ee la soo dhoweeyay, ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, iyagoo muujinaya dareenka shucuurta iyo  farxada lagu qaabilay mid aannay ilaabayn, isla markaana waxay ku tilmaameen Somaliland meel barakaysan oo ay ka muuqdaan shacaa’irka diinta Islaamka oo la camiray, iyagoo ALLAH uga baryay in ay Somaliland noqoto meel dikriga RABBI iyo shacaa’irka Islaamka laga ooggo sida ay ku arkeen booqashada markii u horraysay ee ay safar ku yimaddaan.

 

Geba-gebadii, agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa ujeeddada booqashada Culimadan ku tilmaamay mid sumcad iyo sharaf weyn u ah Somaliland, wuxuuna sheegay in ay ka garsoorayaan tartanka Qurraanka oo lagu tartamayo Tobbanka Qirraa’a, isla markaana wuxuu xusay in ay Somaliland noqonay dalkii labaad ee tartankan lagu qabto.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.  “Waxay noo tahay sharaf weyn in ay Somaliland yimaadaan culimada waa weyn ee dunida Islaamka, oo aynu halkan ku qabano tartanka tobbanka qirraa’ada Qurraanka Kariimka ah, wasaarad ahaan waxa kale oo aannu ku faraxsannahay in Somaliland noqoto dalkii labaad ee tartankaa lagu qabto, iyadoo ay inoo yimaadeen culimadaa caanka ah oo tartankaa ka noqonaya garsoor.”.

 

Leave a Reply