Somaliland : Wiil Jidh Dil u Geystay Hablo Iskuul ka Yimid oo la Xidhay

0
600

Gabiley (Dawan) Ciidanka amaanka ee degmadda Gabiley  ayaa xabsiga dhigay wiil jidh dil u gaystay hablo dugsi ka soo rawaxay.

Sidoo kale waxaa ay ciidamada boolisku  ku raad joogaan kuwa kale oo muuqaal ka duubay xiliga falkaasi dhacayay.

Dugsiga Cigaal oo wiilku ka tirsanaa ayaa dhankooda dugsiga ka eryay wiilka kadib markay falkaas foosha lagu baahiyay xidhiidhka baraha bulshadu ku xidhiidho ee Facebook.

Falkan anshax xumada ah oo ka cadhaysiiyay dad badan ayaa ku faafay baraha bulshada, kadibna ay jawaab celin ka sameeyeen ciidamada amaanka iyo dugsiga uu wiilkani wax ka baranayayba.

Somaliland : Wiil Jidh Dil u Geystay Hablo Iskuul ka Yimid oo la Xidhay

Leave a Reply