Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Nuur Colhaye oo ka Hadlay Xaalada Amaan ee Gobolka Awdal

0
759

Hargeysa (Dawan)-Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Awdal Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Nuur Colhaye, Oo Warbaahinta Xafiiskiisa Kula Hadlay Ayaa Ka Xog-waramay Xaaladda Nabadgalyo Ee Gobolk

taliyaha qaybta ee gobolka Awdal ayaa sheegay in guud ahaan xaaladda nabadgalyo ee gobolkaasi ay aad u wanaagsan tahay, gaar ahaan xaaladda nabadgalyo ee xarunta gobolka Awdal ee Boorama, isaga oo taliyuhu intaas ku daray in falkii lagu weeraray xarunta wasaaradda maaliyaddu uu ahaa  fal wixishnimo ah, wuxuuna sheegay in ciidanka amnigu si deg-deg ah uga hawl galeen goobtaasna ku gaadheen wakhti aad u kooban.

Taliyaha qaybta ee ciidanka Booliska gobolka Awdal waxa uu cadeeyey in aanay jirin cid wax dhibaato ahi ka soo gaadhay falkaas, wuxuuna xusay in ay xogwanaagsan ka hayaan ciddii falkaas ka dambaysay isla markaana ay ku dabo jiraan, isaga oo intaas ku daray in ay sharciga la tiigsan doonaan cidkasta oo falkaas gacan ku lahayd.

Geesta kale, taliyaha qaybta ee ciidanka Booliska gobolka Awdal Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Nuur Colhaye, waxa uu ganafka ku dhuftay isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo been abuur ah oo maalmihii u dambeeyey ay hadal haysay bulshada ku nool magaalada Boorama, oo sheegayey in la iibiyey xabsiga dhexe ee Boorama, oo uu taliyuhu tilmaamay in bulshada lagu kicinayey si nabadgalyada khalkhal loogu abuuro.

Leave a Reply