Trafigura oo Berbera u Qorshaysay Xuddunta Kaydka Shidaalka ee Geeska Afrika

0
572

Hargeysa-(Dawan)-Shirkadda Trafigura ee ka ganacsata shidaalka iyo saliidda ayaa sheegtay in ay maalingalin ku samaynayso Haamaha Kaydka shidaalka ee Magaalada Berbera.

 

Warsaxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Trafigura ayaa lagu sheegay in shirkaddu damacsan tahay in Berbera noqoto xuddunta Kaydka shidaalka ee Geeska Afrika.

 

Shirkadda ayaa dhawaan heshiis la saxeexatay Xukuumadda Somaliland gaar Ayaan Wasaaradda ganacsiga sida ay ku cadeeyen Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay shirkaddaasi.
Shirkadda Trafigura oo ka shaqaysa shidaalka iyo saliidda la isaga gudbiyo dunida ayaa Xarunteeda ugu weyni ku taalaa Switzerland. waxaanay Todobaadkan  Berbera keentay Markabkii ugu horreeyay ee sida Shidaal shirkaddaasi leedahay.

Leave a Reply