Masuuliyiinta la dagalaanka musuq-maasuqa oo Kormeer Ku Tagay Wasaaradaha Dawladda Qaarkood.

0
382

Hargeysa-(Dawan)-Masuuliyiinta hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo kormeeray wasaaradaha Ciyaaraha, Xannaanada Xoolaha iyo waxbarashada.

Masuuliyiintaas oo uu horkacayey guddoomiyaha hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa Dayib Aadan Xaaji Cali ayaa kormeerkooda waxa ay ku soo mareen wasaaradaha dhallinyarada iyo ciyaaraha, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, iyo waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ugu horeyn waxa warbixin halkaas ku siiyey xubnaha ka socday guddida maamul wanaaga agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Siciid Khaawi, oo sheegay in ay shaqaalaha ay ka masuulka yihiin kula xisabtamaan ilaalinta wakhtiga, wuxuuna u mahadceliyey masuuliyiintaas komeerka ugu tagay, isaga oo intaas ku daray in ay dareemayaan ka masuuliyiin ahaan iyo shaqaale ahaanba in lagula xisaabtamayo hawsha ay qaranka u hayaan.

Sidoo kale, wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed, oo guddidaas maamul wanaagu xafiiskiisa kula kulmeen ayaa u mahadnaqay guddida maamul wanaaga isla markaana ku bogaadiyey gudashada waajibaadka ay qaranka u hayaan,  wuxuuna wasiirku sheegay in ay talaabo ka qaadaan shaqaalaha ka habsaama wakhtiga shaqada, isaga oo intaas raaciyey intii uu  wasaaraddaasi  joogay in ay wax ka bedel ku sameeyeen wakhtiga shaqaaluhu shaqada soo galayaan iyo wakhtiga ay ka baxayaan.

Waxa kale, oo ay guddida maamul wanaagu booqasho ku tageen wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, oo uu warbixin ku siiyey agaasimaha tacliinta sare Axmed Muuse Muruud, oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in guddida maamul wanaagu ku soo booqdaan xarunta wasaaradda waxbarashada iyaga oo ku guda jira hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan, wuxuuna isdutaagay muhiimada ay leedahay ilaalinta wakhtiga shaqadu, isaga oo xusay in bulshooyinka caalamku ay kula horumareen sida ay ugu kala badan yihiin ilaalinta wakhtiga shaqada.

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa Somaliland Dayib Aadan Xaaji Cali, oo sheegay in kormeerkaas ay ku tageen saddexdaas wasaaradood ay ugu kuur galayeen sida ay shaqaalaha wasaaradahaasi u ilaaliyaan wakhtiga shaqada, isaga oo tilmaamay in saacadaha shaqadu qaranka meel muhiim ah ugu jiraan, isla markaana ay sii wadi doonaan kormeerka ay ku marayaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda.

Leave a Reply