Burco: Qaar ka Mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada oo Musuq-maasuq loo Xidhay

0
642

Burco(Dawan)-Hanti-dhawrka guud ee qaranka ayaa baadhis ka bilaabay laamana dawladda ee gobolka Togdheer waxanay xabsiga u taxabeen laba qof oo ka mid ah hawl-wadeenada wasaaradda Maaliyada kuwaasi oo ay ku eedeyeen Musuq-maasuq ,

Guddoomiye ku xigeenka hanti-dhawraha guud ee Qaranka ,Sacad Cabdilaahi Riiraash ayaa telefashanka maxliga ah ee HCTV u xaqiijiyey in ay xidheen laba qof oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda Maaliyada , waxanu yidhi ย โ€œshalay waxanu laba xubnood ka xidhnay shaqaalaha wasaaradda Maaliyada gaar ahaan qaybta kastamka ,kuwaasi oo aanu soo eedaynay , waxana loo gudbiyey Maxkamada.โ€œ

 

Guddoomiye ku xigeenka hanti-dhawraha guud ee Qaranka ,Sacad Cabdilaahi Riiraash ayaa sheegay in ay weli baadhis ku hayaan wasaaraddaha Maaliyada, Waxbarashada ,Caafimaadka, Dawladda Hoose , Wakaalada biyaha iyo Cisbitaalka guud ee Burco , waxaanu xusay in baadhitaanka ay wadaan aanu weli usoo dhammaan โ€œ Baadhista arrintan weli noomay dhammaan waxaanu rabnaa in aanu gungaadhkii soo samayno ย โ€œ ayuu yidhi

 

Hanti-dhawrka guud ee Qaranka ayaa baadhis ka wadda laamaha dawladda ee gobollada Dalka .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here