Taipei (Dawan) Safiirka Somaliland u fadhiya ย dalka Taiwan Amb. Mohamed Omar Hagi Mohamoud ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland si rasmi xafiis uga furatay magaalada Taipei ee waddanka Taiwan.
Safiirka Somaliland u fadhiya ย dalka Taiwan Amb. Mohamed Omar Hagi Mohamoud oo ka hadlay furitaanka xafiiska Somaliland ee dalka Taiwan ayaa yidhi “Maanta ayaan si rasmi ah u furay xafiis wakiilleedka Jamhuuriyadda Somaliland ee Taiwan.
Furista xafiiska waxa i ga la qayb qaatay wasiirka arrimaha Dibadda Taiwan Dr Joseph Wu, shacab weynaha Somaliland waxaan ku wargelinayaa in xafiis rasmi ah oo leh dhawrsanaan oo dhan uu u ga furan yahay dalka Taiwan, wada shaqayn wacan, ALLA Mahad leh”
Halkan ka Daawo