Soomaaliya oo Safka hore kaga jirta Musuq-maasuqa Lacagaha Covid19

0
421

Hargeysa-(Dawan)-Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay in Soomaaliya ay kaalinta hore kaga jirto kiisaska la xidhiidha wax isdabamarinta iyo musuqmaasuqa lacagaha loogu talo galay Xanuunka safmarka ah ee COVID-19  oo ay ugu deeqen waddamada qadhaanka bixiya.

 

Agaasimaha guud ee hay’adda Caafimaadka Aduunka, Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in musuqmaasuq lagu sameeyo qalab shaqaalaha Caafimaadk ee Covid19 uu la mid yahay dil , waxanu xusay in aan la aqbali Karin heerkasta oo Musuqmaasuq ah oo Soomaaliya ay samaysay.

 

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in lacaga la cunay ee ay ogaadeen ay kor dhaaftay Milaayin doolar , waxaanu hoosta ka xariiqay in aan la qaadan Karin xatooyada ay ku kacday Soomaaliya .

 

 

 

 

Soomaaliya oo hore  muddo dheer u aheyd  hormuudka dalalka guul darraystay ee caalamka kuwaasi oo ay ka jiraan falal ammaan darro, qaraxyo iyo in madaxdooda lagu ilaaliyo taangiyo Ciidamo shisheeye ayaa haddana kaalinta kowaad ka gashay musuqmaasuqa lacagaha loogu talo galay Xanuunka safmarka ah ee COVID-19 taasi oo ay ugu deeqen waddamada qadhaanka bixiya .

 

 

Leave a Reply