Somaliland oo Markii ugu Horeysa loo Diwaangelinayo 50-kun oo Dhallinyaro ah oo la Barro Xirfado kala Duwan

0
561

Qore Khadar M. Xaashi
Hargeysa (Dawan) Somaliland ayaa markii ugu horreysay la diwaangelinaya konton kun oo dhallinyaro ah, kuwaas oo la bari doono xirfado kala duwan.

Mashruucan oo ah mid aad u ballaadhan islamarkaana wax ka beddelaya shaqo la’aanta dhallinyarada heysa oo ay soo curisay, wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska, ayaa ah barnaamij ballaadhan oo loogu talo galay, dhallinyarada jaamacadaha ku jira, kuwii ka baxay iyo ardayda shaqo Qaran.

Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, war-murtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in loo guurayo hannaanka waxbarashada xirfadaha kala duwan lagu barayo dhallinyarada reer Somaliland si loo helo xirfadlayaal ah si looga baxo shaqo la’aanta dalka ka jirta iyo in laga maarmo xifadlayaal ajaanib ah oo dalka u soo shaqo taga.
Wasiirka ayaa sheegtay in qorshahan looga dan leeyahay in kor loogu qaado shaqo abuurka da’yarta Somaliland.

Barnaamijkan wasiirku ka hadashay ayaa noqonaya barnaamijkii ugu balaadhna ee noociisa ah ee dalka laga hirgeliyo, islamarkaana wax weyn ka taraya shaqo yarida waddanka ka jirta, markasta oo la helo dad xirfadleyaal ah, waxaa yaraaneysa camal la’aanta waxaana kor u kacaya shaqooyinka kala duwan ee xirfadahoodu dadka u soo kordhaan.

Leave a Reply