Wasaaradda Hawlaha Guud oo ku Dhawaaqday Xeer lagu Dhaqayo Dhismayaasha Dalka

0
431

Qore Faysal Xiis Weerar
Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta Cabdirashiid Ducaale Qambi, ayaa shaaca ka qaaday in wasaaraddu soo saarayso xeer lagu maamulayo dhismayaasha dalka laga bineynayo, si looga hortago halista Qasaare ee ka iman karta.

Wasiirka ayaa intaas u daray in dhismayaal badan khasaare ka yimi kadib markii ay dumeen, taasi oo uu ku sifeeyay in ay sababeen xeer la’aanta wax la iska dhisayo, oo suuragalisay in qalab la’aan iyo agabkii shaqada oo kala dhiman iyo tayadii dhismaha oo aan la eegin bino la iska taagayo.

Sidoo kale waxaa uu wasiirku si adag uga hadlay “Waxaa wasaaradda hawlaha guud ay wada imikana gabo gabo ku dhaw xeerkii dhismaha dalka oo ee lagu dhisayay meelkasta oo la dhisayo, in aanu soo saarayno dhawaan, ciddkasta oo wax dhisaysana xeerka lagu maamuli doono, laguna xukumi doono hadii ay dhibi ka timaado Injineeradooda iyo cidda wax qabaneysa iyo nooc kasta oo wax loo dhiso.

Waxaa kale oo wasiirku iftiimiyay in ay qiimaynayaan noockasta oo dhismayaasha ah oo dalka laga bineynayo, in lagu noolaan karo iyo in kale, waxaanu fariin u diray hay’addaha caalamiga ah oo uu sheegay in dhismayaasha ay dalka ka hirgeliyaan ay dhaliil badan leeyihiin.

Wasiir Qanbi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxa aanu bulshada la socodsiinayna in dawlada hoose iyo wasaaradda hawlaha guud ay kormeer ku sameyn doonto noockasta oo dhisme oo waddanka laga dhisayo, ama shacab ha lahaado ama dawladu ha lahaato, gaar ahaan dhismayaasha isa saaran ee fooqyada oo dadka dhisaya dhibaato badani ka soo gaadho, dadka dhisayaana aanay isticmaalin agab loogu talo galay in la xidho, sida koofiyadihii, kabihi iwm, in dhismayaasha hay’addu bineeyaan ay dumaan islamarkaana aanay wax xidhiidhaba nala laheyn, oo aad maqlayso iskuulba dumay, meelkale oo dawladeed ayaa dildilaacday, meelkale ayaa burburtay, hay’addaha caalamiga ahina kuwa ay dhisayaan ayaanay jirinba inta badan cid dabagal ku sameysaa, iyaga aanu waafajino xeerarka dalka u yaala ee dhismaha goobaha dawlada, sidaasi darteed waxaa aanu la socod siinaysa bulshada Somaliland, shirkadaha dhismaha waxyaalaha kale ee la xidhiidha qaabkooda, shuruucdooda illaa uu noqon karo mid lagu noolaan karo”

Leave a Reply