Wasiirka Isgaadhsiinta oo soo saaray Wareegto lagu Maamulayo Hirarka Tv-yada (Cable Tv)

0
469

Qore Faysal Xiis Weerar (Afgaab)
Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknoolojiyadda Somaliland, Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil, ayaa soo saaray wareegto lagu maamulayo hirarka muuq baahiyayaasha Cable Tv-yada islamarkaana lagu farayo in ay u hogaansamaan shuruucda maamulka hirarka.
Wasiirka ayaa wareegtadiisa ku sheegay in la dhaqan gelinayo hannaanka maamulida hirarka Tv-yada, islamarkaana looga baahan yahay Tv-yada Cable-ka ah ee leh Recieverada la daawado tiro cayiman iyo in ay mar labaad is diwaangeliyaan.
Wareegtada wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknoolajiyadda ayaa u dhigneyd sidan :

“1 In Shirkadaha bixiya adeegga muuq-baahiyaha ee loo yaqaano (Cable Tv) ay adeegsan karaan ugu badnaan lix (6) Kanaal (Channel) oo hirarka UHF-ka ah.
2 In dhammaan shirkadaha bixiya adeegga kor ku xusani in dib u soo codsadaan diwaangelinta hirarka ay imika adeegsadaan muddo saddex bilood gudahood ah.

3 . In shirkadaha bixiya adeegga kor ku xusani u hoggaansamaan xeerarka, habraacyda iyo tilmaamaha wasaaraddu soo saarto ee la xidhiidha nooca awoodda iyo tayada qalabka baahinta iyo horumarinta farsada casriga ah.
4 . In wasaaradda iyo shirkaduhu ka wada shaqeeyaan habsami u adeegsiga hirarka isgaadhsiineed ee la xidhiidha adeegga muuqbaahiyaha iyo farsamada lalinta”
Wakhtiga ay ku hirgelayaan qodobada wareegtadani waa muddo saddex bilood ah.

Leave a Reply