Wasiirka Maaliyadda oo Abaalmariyey Shaqaale Cashuur Uruurin Badan Sameeyey

0
412

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka qayb-galay munaasibad abaal marino lagu gudoonsiinayey qaar ka mida cashuur-bixiyeyaashii ugu fiicnaa sannadkan 2020.

Munaasibada abaal-marinta oo ka qabsoontay magaalada Hargeysa ayaa lagu abaal-mariyay shan iyo lixdan cashuur-bixiye, oo noqday kuwii ugu fiicnaa sannadkan 2020, kuwaas oo ka kala yimi guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka, iyada oo kala xulistooda loo raacay xeerarka iyo habraacyada u yaala cashuuraha dawladda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Maxamed Cabdi Gurxan iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, Jamaal Caydiid oo halkaas ka hadlay ayaa amaan u jeediyay cashuur-bixiyaashaas loo qabtay munaasibada lagu abaal marinayo.

Ugu dambayntii wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in u jeedada ay wasaaradda maaliyadu u baal marinayso dadkaas cashuur bixiyeyaasha ah, ay tahay in guud ahaan cashuur bixiyeaasha Somaliland lagu dhiiri geliyo inay bixiyaan sharuuraha, si dawladdu cashuurahaas ay ugaga shaqayso kobcinta kaabeyaasha dhaqaale ee dalka, waxaanu intaas ku daray in talaabadaas ay wasaaradda maaliyaddu sii wadi doonto sannadaha dambe.

Leave a Reply