Wasiir Gaafaadhi oo ka Falceliyey Hadallo kasoo Yeedhay Siyaasi Maxamuud Xaashi

0
489
Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, ahna Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa si adag uga falceliyey  eedo is-barkan oo kasoo yeedhay wasiirkii hore ee madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi.
Wasiir Xasan Gaafaadhi oo saxaafadda kula hadlay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE, ayaa been abuur iyo gef ku tilmaamay eedaha kasoo yeedhay wasiirkii hore ee madaxtooyada, waxana uu meesha ka saaray in hoggaaminta xisbiga lagu hantiyo isku wareejin iyo nin jeclaysi.
Xasan Maxamed Gaafaadhi, waxa uu meesha ka saaray jiritaanka heshiisyo sheegaya in madaxweynuhu marka uu guulaysto uu guddoomiyenimada xisbiga cid gaar ah ku wareejiyo, islamarkaana aanay arrintaasi meelna kaga xusnayn xeerarka iyo shuruucda xisbiga.
Wasiirka Gaafaadhi, ayaa bulshada u caddeeyey in xisbigu Dimuqraaddi yahay oo xubnaha ugu sarreeya hoggaankiisu ay doorasho ku yimaaddaan, balse aan la isku wareejin.
Ugu dambayntii waxa uu wasiir Gaafaadhi shaaca ka qaaday inuu madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu laba goor madaxtinimada dalka u tartamay isaga oo haya guddoonka xisbiga, islamarkaana aanu jirin xeer iyo sharci madaxweyne Muuse Biixi u diidaya inuu mar labaad xisbiga hoggaamiyo.
Halkan ka Daawo Muqaalka 

Leave a Reply