Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo Dhaariyey Xildhibaan buuxiyey kursi ka banaan golaha Wakiillada

0
369

Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadan X. Cali Axmed ayaa maanta dhaariyay mudane Jamaal Maxamed Warsame, oo laga bilaabo maanta ka mid noqday Xildhibaanada golaha Wakiilada.

Xildhibaan Jamaal Maxamed Warsame ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay golaha Wakiilada JSL, taasi oo uu ka geeriyooday marxuum Axmed Maxamed Nuur isla markaana golaha Wakiiladu 20-kii bishan iclaamiyeen in jagada marxuumkaasi banaan tahay.
Marxuumka dhintay ayaa ka mid ahaa mudanayaashii Xisbiga UDUB ee laga soo doortay gobolka Togdheer, halka kaydka koobaad ee ku xigayna uu noqonayey Xildhibaan Jamaal oo ah xubinta la dhaariyey.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 21-kii bishan codsi ay ku dalbanayaan in la buuxiyo jagada ka banaanaatay golaha Wakiilada.

Leave a Reply