Dawladda Somaliland iyo Ethiopia oo ka Wada Xaajonaya Amniga Bariga Afrika

0
714

Hargeysa-(Dawan)-Kulan lagaga hadlayay Sii-xoojinta Amniga bariga Africa oo kafurmay caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Shirkani oo ahaa mid lagaga wada hadlayay Sii-xoojinta amniga iyo Nabadgalyada Dalalka Somaliland iyo Ethiopia oo ay kasoo qaybgaleen Masuuliyiin ka kala Socda Dalalka Somaliland Iyo Ethiopia ayaa lagu gorfeeyay, qaabkii si wada jira looga shaqayn lahaa xoojinta amniga, maadaama Deegaanka Somalida, iyo Jamhuuriyadda Somaliland ay wadaagaan Xuduud dheer, ayna yihiin shacab walaalo ah oo wadaaga , Diin, Dhaqan, Af, iyo Isir.
kulanka oo ay ka qayb galeen Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed,Wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye , Sarakiisha Ciidanka Qaranka ayaa waxa dhinaca Ethiopia uga qayb galay Taliye kuxigenka Ciidanka Difaaca Qaranka Bariga Ethiopia, Sarakiisha Amniga ee dawladda deegaanka, Hogaanka Wasirka xafiiska waraabka iyo dooxooyinka DDS Mudane Cabdiraxman Ciid daahir ayaa dabasocday shir labada dhinac hore ugu dhexmaray dalka Ethiopia.

Leave a Reply