Raashinka Yaala Bakhaarada Magaalada Burco oo Badhitaan Lagu wado

0
620

Burco-(Dawan)-Isuduwaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ee gobolka Togdheer oo warbaahinta dawladda la hadlay ayaa ka warbixiyay baadhitaano Badeecadaha ah oo ay ka bilaabeen gobolka Todheer.

Maxamuud Saleebaan Cabdi, Isuduwaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ee gobolka Togdheer, ayaa sheegay in ay baadhitaano ka sameeyeen Kaantaroolada iyo Kastamada magaaladda Burco si loo hubiyo loona xaqiijiyo badeecooyinka soo gelaya gobolkaas.

Isuduwaha Hay’adda Dhawrista Tayada ee gobolka Togdheer, waxa uu sheegay in ay baadhitaan ka bilaabeen Bakhaarada waaweyn ee magaaladda Burco, isaga oo u soo jeediyay ganacsatada in ay xafidaan meel ku haboonna ay ku kaydiyaan maciishadda quutal daruuriga ah, iyaga oo u kala iibinaya sidii ay u kala horreyeen, wuxuuna intaas ku daray in ay talaabo adag ka qaadi doonaan Bakhaaradda lagu helo iyaga oo iibinaaya maciisahadda iyo alaabooyinka dhacay.

Leave a Reply