Somaliland oo Ganafka ku Dhufatay Hadal ka soo Yeedhay Soomaaliya.

0
772

Hargeysa (Dawan) Fadhigii 65aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video-Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimaha doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

• War-murtiyeed

Arrinka ka soo yeedhay muqdisho ee ah baarlamaan Somaliland metelaya ayaa laga dooranayaa Xamar waa meelka dhac iyo gef loola badheedhayo qaranka Somaliland.

Horeba Soomaaliya way u waday colaadaha ka dhanka ah Qarannimada Somaliland, balse tan maantu way ka daran tahay, qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda.

Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon.

• Amniga

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda nabadgelyo ee dalka.

• Xeerka gaadiidka iyo waddo marista.

Goluhu wuxuu dood dheer iyo falanqayn ka yeeshay waxka bedelka iyo kaabista xeerka gaadiidka iyo waddo marista oo horyaalay golaha, waxaana qodob-qodob looga dooday xeerkaas oo ahmiyad weyn u leh qaranka. Sidoo kale waxa goluhu dood ka yeeshay dhibaatooyinka iyo shilalka ay dadka iyo dalka ku hayaan gaadiidka aan waafaqsanayn haadka iyo waddo marista iyo gaadiidka yaryar ee ku soo badanaya wadanka isla markaana cidhiidhiga ku haya isu-socodka, iyadoo goluhu fadhiyada danbe ka soo saari doono go’aamo lagu xadidayo gaadiidkaas la iskuna waafajinayo haadka baabuurta iyo wadooyinka.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply