Somaliland: Dr. Adna Aadan oo 45-qof sii say Adeeg-bixin Caafimaad oo Bilaash ah

0
453

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha urrurka naafada Somaliland Daahir Xaaji Jaamac Diiriye (Awr-table), ayaa sheegay in 45-qof oo naafo kala duwana oo uu ka mid yahay loogu taba rucay adeeg bixin caafimaad oo bilaasha.

Guddoomiye Awr-rable waxaa uu sheegay in adeeg bixintan caafimaad ee bilaashka ah ay siisay Dr. Adna Aadan Ismaaciil, isaga oo uga mahad celiyay adeegaasi ay sida bilaashka ugu qabatay dadka naafada ah eek ala duwan.

Waxaa uu xusay in kuwa maqalka naafo ka ahaa markii loo sameeyay adeeg bixintan caafimaad in lagu guuleystay in ay maqalkoodii dib u helaan.

Guddoomiyaha urrurka naafada Somaliland Daahir Xaaji Jaamac Diiriye (Awr-table), isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi .“Waxaanu halkan uga mahad celinayna deeq caafimaad oo ururka naafada Somaliland ka helay, Dr. Andna Aadan Ismaaciil, oo dhakhaatiir la shaqeysa kuwaasi oo ay ka keentay waddanka Mareykanka, islamarkaana noo fidiyay qaliino caafimaad oo bilaasha.

Dr. Adna waxaanu leenahay ILLAAHEY miisaanka xasanaadka ha kugu daro, in badan ayaanu sugaynay, in dadka naafada ah la isgarab taago”

Guddoomiye Awr-rable mar uu ka hadlayay qaybaha kala duwan ee naafada adeeg bixintan caafimaad ee bilaashka ah ka faa’ideystay waxaa uu yidhi .“Todoba iyo toban qof lugaha iyo gacmaha ayaa looga shaqeeyay, shan qofna dhagaha ayaa looga shaqeeyay oo lagu guuleystay oo wax maqlaya maanta, todoba qofna madaxa ama maskaxda ayaa looga shaqeeyay, oo xidido is haystay ayaa qaliino caafimaad loogu sameeyay, oo ILLAAHEY dabiib uga dhigay oo sidoodi ku soo noqday, lix qofna waxaa ay ahaayeen dadka madaxa biyuhu kaga furan yihiin ee madaxa waa weyn leh,  biyihii ayaa laga shubay oo waa lagu guuleystay, laba qofna dhabarka ayay ahaayeen, markaan waxaan odhan kara mar hadii kuwii cagaha, kuwii gacmaha, kuwii madaxa, kuwii dhabarka waa wax ILLAAHEY loogu mahadiyo”

Leave a Reply