Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo furay Kulan ku saabsan Wax-soo-saarka Tayeynta Shaqaalaha Dawladda + sawiro

0
520

Hargaysa (Dawan) Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, mudane Farxaan Aaddan Haybe, ayaa Xarunta guud ee hay’adda shaqaalaha ka furay tababar ku saabsan hawl-qabadka iyo maaraynta shaqaalaha dawlada oo ay ka faa’iidaysanayaa waaxyaha hay’adda shaqaaluhu, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Waaxda Tababaradda Cududa shaqaalaha ee Hay’adda, isla-markaasna ay fulinayo Waaxda Maaraynta Iyo Hawl-qabadka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu.

Muna Maxamed Jibriil, agaasimaha Waaxda Horumarinta Cududa shaqaalaha, ayaa sheegtay inay tababarkan ku gacan-siinayaan Waaxda Qiimanta iyo Hawl-qabadka ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda,taas oo qeyb ka ah horuminta aqoonta iyo Fahamka shaqadda ee Shaqaalaha Dawladda ee ay xafiis-ahaan u xil-saaran yihiin.

Guddoomiyaha hay’adda shaqalaaha, Farxaan Aaddan Haybe, waxa uu sheegay in hay’adda shaqaalahuhu ay tahay hormuudka shaqaalaha Qaranka iyo muraayadda laga dheehanayo tayadda shaqaalaha, isla-markaasna ay muhiim tahay in lagaga daydo tayadda iyo shaqo-wanaaga.

Guddoomiye Farxaan, waxa uu si weyn u amaanay Waaxda Shaqaalaynsiinta, xulista iyo dalacsiinta shaqaalaha dawladda, taas oo uu ku bogaadiyay  inay wakhtiyo dheeri ah shaqeeyaan iyada oo aan dheef gaar ah lagu siinin, balse ay tahay abaal iyo tacab ay Qarankooda gashanayaan.

Sidoo kale waxaa uu xusay  in arrimaha ugu muhiimsan ee Tababarkan lagu qaadan doonaa, ay  tahay tayadda  wax-soo-saar ee shaqaalaha, waxaana uu u soo jeediyay in sida uga haboon uga faa’iidaystaan Macluumaad-is-weydaarsigaas halka maalin ah.

Tababarkan ayaa waxa fulinayay Cali Maxamed Saalax, agaasime ku-xigeenka waaxda maaraynta Hawl-qabadka hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Leave a Reply