Wasiirka Arrimaaha Gudaha oo Go’aan Ka-soo-saaray Caleema-saarka Cuqaasha

0
351

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa go’aan ka soo saaray caleema-saarka cuqaasha sheegayna in tallaabo laga qaadayo cidkasta oo isku dayda in ay sharciga u hoggaansamiweydo iskuna dayda caleemo saarka caaqil cusub.

Wasiir Kaahin waxaa uu si gaar ah digniin ugu diray saddexda xisbi Qaran oo uu uga digay in ay ka waantoobaan caleema saarka cuqaasha ay dabada ka riixayaan.

Waxaa kale oo uu wasiirku ka hadlay arrimaha nabadgelyada, kufsiga, arrimaha doorashooyinka.

Wasiir Kaahin waxaa uu si gaar ah digniin ugu diray saddexda xisbi Qaran oo uu uga digay in ay ka waantoobaan caleema saarka cuqaasha ay dabada ka riixayaan.

“Caaqil cusub oo danbe oo la caleemo saarayaa waa mabnuuc, boodh danbe oo la taagayaana ma jirto, cidda dabada ka waddana tallaabo ayaanu ka qaadaynaa, imika waxaanu og-nahay kuwo hadda la wado caleema saarkooda dad u xidhan, waxaa kale oo aanu og-nahay kuwa asxaabta siyaasiga ahi dabada ka wadaan, tallaabo ayaad ka qaadaysan hadii xisbul xaakimka KULMIYE yahay iyo hadii xisbiyada mucaaridka ah yahayba sharcigana dadka ayay kala mid yihiin, sharcigana la marinayaa”

Wasiirka oo shir-guddoominayay kulankii guddoomiyayaasha gobolada dalka oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, waxaa uu aad ugu dheeraaday waajibaadyo nabadgelyo oo uu faray badhasaabada dalka. “In aan la siinin cudur-daar cidkasta oo nabadgelyada waxyeelaysa, in talaabo adag dadka nabadgeliyada burburinaya, waxaa kale oo mabnuuca meelaha laga qodaayo Baliyada ee deegaamadu ay ka qodayaan, iyagana in aynu ka war hayno ciddkasta oo aynu is leenahay waa ay carqaladaynayaan doorashada.

Meelaha qaar waxaa aanu ku hayna Xashiishad gobolada qaar laga beeray, in kuwaasna si qotodheer u baadhno, ishana si gaara ugu hayno goobaha xashiisahadaasi laga beeray”

Wasiirku mar uu ka hadlayay kufsiga iyo tacadiyada haweenka loo geysto waxaa uu sheegay in aan la aqbali karin in haweenay dhibbane ah in arrinteeda meel sharciga ka baxsan in go’aan lagaga gaadho. “Arrinta kufsigu dhibaato badan ayuu inagu hayaa, haweenkeeniina dhib faro badan ayuu ku hayaa, muddo badan waala rog rogaayay, haween weynaha magaaalada Burco waxaa ay ka mudaharaadayeen waxaa uu ahaa Kufsi, kaas oo salka ku hayay gabadhi la dilay.

Dhawaan waxaa go’aan dawladeed  laga gaadhay in Kufsiga la horgeeyo sharciga, oo waxaa maneenada ah sharafta dadka bahdilayaa, ee gabadh la Kufsaday ay ama dhibaato kale oo la geystay lla odhanayo odayaalba ka wada hadlaya diiniyana waa xaaraan, sharciyadana waa ku xaaraan, cidd allaale ciddi Kufsigaasi la timaada sharciga ayaa la marinayaa, halkaasi ayay ku dhammaanaysa, dadka doonaya in ay arrintaasi sharciga ah jabiyaan iyaga laftooda ayaa tallaabo laga qaadayaa”

Leave a Reply