Dhaqanka Iyo Akhlaaqda Wanaagsan

0
6284

Rasuulka Allah (scw) waxa xadiis ku yidhi “Waxa la isoo diray si aan u dhamaystiro akhlaaqda wanaagsan”. Dhaqanka wanaagsani waxa uu ku xidhan yahay iimaanka qofka  hadii uu akhlaaqadaadu xumaato  iimaankaaguna wuu daciifaya taasina waxa inoo cadeeyay xadiiska Rasuulka (scw) ee ku yidhi:  “Allah ayaan ku dhaartee imuu rumayn, illaahay baanu ku dhaartee imuu rumayn, Rasuulkii Allaw waa kuma kaasi? ( Saxaabada ayaa weydiisay)  Waxaana uu yidhi “ ka aan dhibaatadiisa ka nabad gelin jaarkiisa”. (Waana dhibaato dhaqan xumo oo jaarka loo geysto).

Nebiga (scw) ayaa loo sheegay gabadh tukata oo soonta oo cibaado badan laakiin aan jaarkeeda nabad gelin, Nebigu (scw) waxa u sheegay in gabadhaasi Naarta gelayso, waxa kale oo loo sheegay gabadh cibaadadeedu kooban tahay laakiin jaarkeeda si fiican uga nabad gelay waxaana uu yidhi Rasuulku (scw) “Gabadhaasi Janada ayay gelaysaa”. Markaa Akhlaaqda wanaagsan ayaa hogaamisa camalka wanaagsan.

Leave a Reply