Dhibaatada Hurdada Badani Keento!

0
1007

Daraaasadaha is daba jooga ah ee ka soo baxaya aqoonta sii kordhaysa ee Aadamiga ayaa cadaysay in hurdada aad u badani aanay qofka u lahayn haba yaraatee wax faa’iido ah.Saynisyahano iyo cilmibaadhayasha ayaa intaasi raaciyay  in maskaxada aanay faa’iido ka helin hurdada wakhtiga dheer iyadoo xataa waxyeelo ku keeni karta mudada badan ee ay shaqadii caadiga ahayd ka maqan tahay, waxaana ay daraasaddu beenisay dadka aaminsan in hurdada badani u tahay maskaxda nasasho.

Warbixintu waxay intaasi raacisay in riyadu ku badato dadkaasi inkasta oo  riyooyinkani ku kala badan yihiin raga iyo dumarka iyagoo ku sii badan yihiin dumarka wakhtiga badan seexda.   Daraasaddu ayaa lagu sheegay in riyadu ay door weyn ku leedahay dareenka iyo dhaqanka qofka. Waxaana ay ku talisay daraasaddu in aan qofku habeenkii seexan saacado badan oo xad dhaaf ah.

Waxa kale oo iyadana ay ka digeen in hurdo yaraanta ay sabab u tahay xanuuno badan sida macaanka, werwerka iyo dhiiga karka. Iyadoo qofka looga baahan yahay inuu xidhiidh la sameeyo dhakhaatiirta wakhtiyada uu isku ark,ao hurdo yaraan iyo soo jeed badan.

 

 

Leave a Reply