Horumarka Caafimaad Iyo Cilaajyada Dunida !

0
663

Xarumaha xanuunada Nafsaaniga ah ee Yurub ka soo shaac baxay qariniyadii dhexe ilaa qaringi 19aad iyo horaantii qaringa 20aad, waxa sabab u ahaa aqoonta cilmiga caafimaadka oo liidatay. Xarumahan ayaa ugu horayna ku bilaabmay khuraafaad  iyo inay qaybka iyo maqanaha aan qof iyo kooxi toona war u hayn ku faanaya inay og yihiin, isla markaana wax k,a sheegi karaan.

Bulshooyinka Yurub aya wakhtigaasi aaminsana  in xanuunada maskaxda  ee waalida ah ay sabab u yihiin sixir , shaydaan iyo cadho Allah.   Wakhtigaasina dadka saaxiriinta lagu sheego waa la gubi jiray Yurub.

Inta badana xanuunada madaama aanay aqoon baadhis ah oo saraysa jirin waxa lagu sheegi jiray inuu qofkaasi Jin derderay ama la sixray, xarumaha lagu daweeyaana waxay ahaayeen goobo lagu ciqaabo bukaanada.

Waxay Ahayd horumarka dhabta ah ee caafimaadka mid aan gebi ahaantiisab jirin. Markii uu soo baxay kacaankii wershadaha wax uu noqoday mid sare u qaaday saami weyna ku laha xanuunada maskaxda ee nafsaaniga ah iyo isku buuqa oo aad u batay (stress) ka dib shaqoyinkii cuslaa iyo dakhligii yaraa ee adoonsiga ku salaysanaa ee waayahaasi jiray.

Arrimahaasi ayaa sebenadaa horseeday  in Yurub laga  furo goobo badan oo cusub oo la sheegay in lagu dawaynayo xanuunada maskaxda iyo dadka shayaadiintu dhibaateeyaan.

Waxa kale oo soo baxay aragtiyo cusub oo cilmi nafsiga ah kuwaasi oo ku dhisan kuna salaysan tijabooyin cilmi ah. Dhinaca Maraykanka waxa kordhay  xanuunada dhimirka ka dib dagaalkii sokeeye ee socday mudadii u dhaxaysa 1861-1865,  Dagaaladuna sida lagu yaqaan kuma kooban oo keliya dil iyo burbur,  laakiin waxay ka tagaan dad badan oo ay ku dhacaan xanuuno nafsaaniya oo ka soo gaadhay dagaaladaasi ay ka qayb galeen ama goob jooga u ahaayeen.

Sidaas darteedna xukuumadda ayaa dagaalkii markii uu dhamaaday curisay goobo dhawr ah oo dadka qaba xanuunada maskaxada lagu daweeyo. Mid ka mid ah xarumhaasi ayaa laga dhisay Ohio meel u dhaw magaalada Athens ee Maraykanka dhismihiisa aya qaatay lix sano 1868- 1874 iyadoo loo bixiyay magaca Athens Lunatic Asylum.

Goobaha dunida ee weli aanu ka jirin horumar caafimaad waxa jira kooxo weli ku shaqaysta in qof kasta oo loo geeya uu yahay mid Jin galay oo uu ka dhex hadlayo isla markaana ciqaab iyo jidh dil u geysta iyagoo ku doodaya inay waxa ay garaacayaan uu yahay Jinka ee aanu ahayn qofka.

Arinka garaaciddana waa mid aanu rumaysan karin qofka caqliga iyo xikmadda leh, waayo ma jirto sabab cilmi ah uu ku qancinayo ama daliil diiniya oo cadaynaya inuu yahay waxa uu garaacaya Jin.  Shaqo la’aanta, guur la’aanta iyo nolosha adag dhamaantood waa kuwo horseeda xanuunada nafsaaniga ah oo wakhtigan u baahan dhakhaatiirta cilmigaasi aqoonta sare u leh ee loo yaqaan sakatariisa.

 

Leave a Reply