Qiimaha Qofka Insaanka Ah!

0
1373

Nin xakiim ah ayaa isagoo safar ku jira helay dhagax macdan qaali ah. Isagoo dhagaxii sita ayay nin kale oo isna safar ah kulmeen oo aan wax raashin ah sidan. Ninkii xakiimka ayaa shandadiisa furay oo raashinkiisa wax ka siiyay ninkii safarka kula jiray. Ninkii ayaa arkay shandada dhagaxa qaaliga ah ee ugu jira waxaana uu garnayay qiimaha dhagxaasi, ka dibna xakiimka ayuu weydiistay inuu siiyo dhagaxaasi?

Ninkii xakiimka ahaa isagoon jawaab ku celin siiyay oo ku yidhi “ Qaado waa dhagax macadan qaali ahe”.   Ninkii ayaa tegay isagoo aad ugu faraxsan dhagaxan qiimaha leh ee uu siiyay oo noloshiisa oo dhan ku filan.

Markii magaalada uu la yimi ee si rasmi ah u ogaaday qiimaha dhagaxa , ayuu dib ugu noqday ninkii xakiimka ah ee siiyay waxaan uu ku yidhi. “ Waad ogayd aniguna waan ogaaday qiimaha qaaliga ah ee dhagaxan, haddana si fudud ayaad markiiba ii siisay. Markaa anigu ma rabo dhagaxii ee qaado waakan aan kuu siido.  Laakiin waxaan ka codsanaya inaad isiiso waxa gudahaaga ku jira ee kuu ogolaanaya inaad bixiso  shay  sidan qaali u ah, iyo sida aan ku noqon karo adigoo kale.  Sidaasi ayay dadka xikmada leh ee wanaagsani dadka u qiimeeyaan laakiin aanay la weynayn alaabooyinka si kasta oo ay qaali ugu yihiin.

 

Leave a Reply