Dhibaato Inay Ku Gaadho Ma Rabo

0
561

Markii uu aabihii dhintay ayuu hooyadii geeyay xarunta dadka waaweyn lagu xanaaneeyo. Wiilka ayaa booqan jiray muddo marka uu joogabo hal mar. Maalin danbe ayay shaqaalihii xarunta la soo hadleen oo u sheegeen inay hooyadii sakaaraad tahay oo uu yimaaddo. Markii uu u yimi isagoo degdegsan, waxaa uu arkay iyadoo aad u xanuunsanaysa. Dawooyinka ka dib waxa uu weydiiyay waxa kale ee ay rabto inuu u qabto?

Hooyadii ayaa ugu jawaabtay hooyo xaruntan waa malaha qaboobiye iyo marawaxado, sidaa  darteed waxaan doonayaa inaan qolkayga iigu xidh marawaxad, waxa kale oo aad ii keentaa talaajad aan cuntada ku kaydsado, waayo malaha!. Wiilkii ayaa aad u yaabay oo ku yidhi : “ Hooyo hore iigamaad codsan arimahan maxaad maanta oo ay naftu ku hayso aad iiga codsatay?

Waxaana ay hooyadii oo wejigeed murugo ka muuqato ugu jawaabtay: “ Waa run hore kuumaan weydiisan waana aan la qabsaday, laakiin waxaan k,a baqayaa markaad weynaato ee caruurtaadu ku keento xaruntan inaad gaajada iyo kulaylka la qabasan weydo oo ay ku dhibto, aniguna adiga ayaan doonayaa inaad dhibaatadii xaruntan iga soo martay in aanay adiga kugu dhicin.

Leave a Reply