Maxamed Siciid BK Oo Shaaciyay In uu Ka Baxay Fankii

0
493

Hargeysa-(Dawan)- Fanaanka Maxamed Siciid Bk oo hore uga tirsanaa kooxda Xidigaha geeska ee fadhigoodu yahay Hargeysa  ayaa maanta sheegay in uu ka baxay guud ahaan Fanka .

Maxamed Bk ayaa sheegay in aanu jirin cadaadis uu kala kulmay shakhsiyaad gaar ah balse uu fanka uga baxay si Alle u raali geliyo .

“Ma jiro cid igu cadaadisay in aan ka baxo Fanka balse way i qorshaysnayd ilaa 2015 in aan ka baxo fanka , waxaanan uga baxay ILLAHAY dartii” ayuu yidhi

Maxmed Siciid Bk ayaa taageerayashiisa ugu baaqay in ay ka baxaan fanka “taageerayaashaydana waxaan leeyahay isoo raaca” ayuu yidhi

Maxamed Siciid Bk ayaa fanka kusoo jiray dhawr iyo tabankii sanno ee u danbeeyey isaga oo qaadi kiray noocyada kala duwan ee heesaha sida kuwa waddaniga ah , jacaylka iyo Nebi amaanka .

 

Leave a Reply