Haweenka Hargeysa oo Codsaday in Cawo Cadaalad Hesho

0
550

Hargeysa-(Dawan)-Qaar ka mid ah Haweenka dalka ayaa dibed-bax ku muujinayey siday uga soo horjeedaan Xukun ay sheegeen inaanu Caddaalad ahayn oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ka soo saartay dacwad loo haysta 7 wiil oo dhallinyaro ah oo ku eedaysan inay kufsadeen gabadh yar oo ka mid ah Carruurta lagu hayo xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa ee Dawladdu maamusho, taasi oo Magaceedu yahay Cawo Xariir Raage.

 

Maxkamadda ayaa toddobaadkii hore waxay 2 ka mid ah dhallinyarada kufsiga ku eedaysan ku xukuntay min 3 sanadood oo xadhig ah – halka ay 5-tii wiil ee kale ku xukuntay xadhig dhan min 6 bilood – laakiin ay dibedda joogayaan oo aan la xidhayn,  laakiin ehelada Cawo Xariir iyo dadkan dibedda baxa ka sameeyey Hargeysa iyo Qori-lugud ayaan ku qancin isla-markaana u arka xukun aan caddaalad ahayn, aadna uga hoosèeya ciqaabtii ay ahayd inay maraan dhallinyarada ku eedaysan kufsiga Cawo Xariir Raage.

 

Haweenka dibed-baxa dhigay oo sitay boodhadh isla-markaana la hadlay Warbaahinta ayaa codsaday inay Cawo hesho Caddaalad – dhallinyarada faro-xumeeyayna ciqaabta ay mudan yihiin la mariyo.

 

Waxay Madaxweynaha iyo Laamaha Dawladda ee arrintani khusayso ka codsadeen in kiiska Cawo si wanaagsan loo baadho – Wiilasha ku eedaysan kufsigeedana la mariyo Ciqaab adag – si ay dadka geysta falalka noocaas ah Tusaale ugu noqoto.

 

Cawo Xariir oo la sheegay inay qabto dhanka Maskax ah ayaa ka mid ah ubadka lagu hayo xarunta Agoomaha Hargeysa oo Dawladdu Maamusho.

Leave a Reply