Wasaaradda Waxbarashada oo Beenisay in la Fasaxayo Dugsiyada Dalka

0
390
SONY DSC

Hargeysa-(Dawan)- Waaaaradda Waxbarashada ayaa beenisay warar lagu qoraayey baraha bulshada oo sheegayey in fasax la gelinaayo dugsiyada Dugsiyada sababo la xidhaadha Cudurka Safmarka ah ee Covid-19 oo dalka dib loogu arkay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararkaasi

“Wasaaradda Waxbarshada JSL waxay bulshada la socodsiinaysaa in aanay waxba ka jirin wararka dadka qaar wareejinayaan ee sheegaya in dugsiyada dalka la fasaxayo sababo la xidhiidha safmarka COVID-19.”

Agaasime Axmed Abokor Abokor sheegay in aanay jirin halis Caafimaad oo Waxbarashada fasax loo geliyo.

“Wasaaraddu waxay caddaynaysaa in warkaasi gebi ahaan ba been abuur yahay, mana jirto halis xanuun oo dalka imika ka jirta taas oo dugsiyada dalka loo fasaxaa, ilaahayna inooma keeno”

“Masuuliyiinta dugsiyada iyo goobaha waxbarashada waxaa lagu adkaynayaa in siddii hore ba la iskula qaatay u dhaqangaliyaan Habraaca Caafimaad ee ka hortaga xanuunka COVID-19”

Wasaaradda ayaa dadka wararkaas beenta ah faafiyey uga digtay inay ardayda iyo waalidka khalkhal ku abuuraan.

 

Leave a Reply