Ciidamada Booliska Somaliland oo Gacanta ku soo Dhigay lacag Hal Milyan oo Dollar Ah

0
649

Hargeysa (Dawan) Taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku soo dhigeen lacag dhan hal milyan oo dollar taasi oo dalka sifo sharciga baalmarsan lagu soo gelinayay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in lacagtani lagu soo qabtay laba eedeysane oo ka soo jeeda, maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Afhayeenka ciidamada booliska Somaliland, gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi, ayaa sheegay in lacagtaasi ay tahay lacagta madaw, “Ciidamada boolisku iyaga oo gudanayaa xilka iyo waajibkaadka ay Qaranka u hayaan waxaa ay gacanta ku soo dhigeen laba eedeysane, una dhashay maamulka Puntland, kuwaasi oo gacantooda lagu soo qabtay hal milyan oo dollar iyo sodon kun iyo shan boqol oo lacagta dollarka madaw ah.

Kuwaasi oo doonayay in ay ku khalkhal geliyaan nabadgeliyada, iyo sariflayaasha iyo ganacsatada Somaliland”

Halkan ka Daawo

 

Leave a Reply