Xukuumadda Somaliland oo ka Jawaabtay Eedaymo loo Jeediyey

0
439

Hargeysa-(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadallo qabsaday maalmihii la soo dhaafay saxaafadda Bulshada oo la xidhiidhay qaabka loo saamaxayo dadka Somaliland u dhashay ee xilalka ka qabta Soomaaliya.

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab), kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Dawan, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Muwaadin ama siyaasi kasta oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland oo Qaranka iyo  Ummadda ka galay dembi, xilna ka soo qabtay dalka la baxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, waxa la saamixi karaa oo keliya, marka uu fagaare ka  caddeeyo inuu iska casilay xilkii uu u hayey dalka iyo inuu ka noqday fikirkiisii uu aaminsanaa ee midnimadii  Soomaaliya, isla markaana aanu dib dembe mar kale ugu noqon doonin dembi labaad oo kan la mid ah.

Intaa marka laga helo, maadaama aan qofna laga qaadi karin jinsiyaddiisa muwaadinimada Somaliland, waxa ay markaa Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland u fidinaysaa saamaxaad mar allaale iyo markuu sidaa qoraal iyo afba ku caddeeyo inuu iska casilay xilkii uu ka hayey Soomaaliya, sidoo kalena aanu mar labaad ku noqonayn dembigaas oo kale.

Arrintan la xidhiidha saamaxaada dadka reer Somaliland ee xilalka ka soo qabtay Soomaaliya ama  shaqooyin kale ka qabta dawladdaasi, in aanay taa macnaheedu ahayn in Jamhuuriyadda Somaliland ka jeesatay shakhsiyaadka dhabar-jebiya Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, balse sidii awalba tooshka loogu hayey  si ka darran ayaa  loogu sii haynayaa.

Dadka arrimaha kale oo intaa dhaafsiisan werwereejinaya, waxaan u sheegaynaa in muwaadiniinta reer Somaliland u siman yihiin sharciga dalka iyo Dastuurka Qaranka, waxana habboon in Jiritaanka iyo midnimada Ummadda meel looga soo wada jeesto, si aan u xoojino, una adkeyno Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ah mid uu ku waajibinayo Dastuurku muwaadin kasta, sida ku cad qodobkiisa 34aad,xarfihiisa 1aad iyo 2aad,sidoo kale waxa uu Dastuurka Qaranka Qodobkiisa 90aad,xubintiisa 5aad,ayaa Madaxweynaha  awood u siinaysa saamaxaada.”

 

Leave a Reply