Mashruuca Nashqadeynta Somaliland oo Gabiley lagu Daahfuray

0
455

Gabiley (Dawan) – Waxaa magaalada Gabiley, lagu daahfuray kulan lagu gorfaynayay habsami u socodka iyo xoojinta nidaamka nashqadeynta ee dalka.

Kulankan oo waxaa soo Qaban-qaabiyay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, oo adeegan Nafaqeyntu si toos ah u hoostaga.

Waxaa kulan ka soo qayb galay, oo goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaarada shaqo galinta iyo arrimaha bulshada, agaasimaha rulinta Komishanka Xakameynta Aydhiska, guddoomiyaha hay’adda ambikamka iyo madaxa mashruuca nafaqeynta iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen isu-duwayaasha laamaha dawladda u jooga gobolka Gabiley.

Waxaana intii uu socday kulankaasi lagaga wada hadlay Qodobo kala duwan si loo dhiirigaliyo in la taabagaliyo, barnaamijka nafaqeynta si looga midha-dhaliyo taabagalkiisa iyo hanaqaadkiisa.

Qodobada kulanka lagu Faaqiday ayaa Kala ahaa Sidan

(1) Ugu joreyntii waxa lagaga hadlay bixinta tababaro la xidhiidha bixinta mahsruuca Nafaqeynta.

(2) Doorka hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa dawladdu ka Qaadanayaan socodsiinta iyo ka shaqeysiinta mashruuca Nafaqeynta

(3) Kobcinta aqoonta lagu iftiiminayo qiimaha ay Nafaqeyntu leedahay

(4) Dib u eegis lagu sameynayo in la ogaado waxyaabaha ka hirgalay qabsoomida mashruuca Nafaqeynta iyo qorsheynta hormarinta mashruuca ee sannaddaha soo socda si looga gun-gaadho hormarintiisa

Leave a Reply