Masuuliyiinta Saraar Oo munaasibad dhiirigelin ah u qabtay xulka ciyaaraha orodka ee gobolka saraar.

0
379

Caynaba(Dawan) Qaar kamid ah isu duweyaasha Wasaaraddaha gobolka Saraar ayaa munaasibad dhiirigelin ah ugu qabtay xulka ciyaaraha orodka ee gobolka Saraar hotelka Isha Caynaba ee magaaladda Caynaba.

Xulka orodada ee gobolka Saraar ku metelaayey koobkii goboladda Somaliland ee dhowaan lagu soo gebo gebeeyey ayaa ku guulaystay koobkaasi, waxaana munaasibadan soo qaban qaabiyey qabashadeedana lahaa Isu duweyaasha Wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka,Xannaanada Xoolaha  iyo Horumarinta Biyaha ee gobolka Saraar, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay isu duwaha wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee gobolka Saraar Yacquub Axmed Warsame iyo isu duwaha wasaaradda horumarinta Biyaha Cabdilaahi Maxamed Warsame , waxaanay tilmaameen in ay munaasibadan u qabteen sidii ay u dhiirigelin lahaayeen xulka gobolka Saraar ee dhinaca Orodada, kuwaas oo sannadkan guul taariikhi ah kasoo hooyey koobkii goboladda Somaliland, iyaga oo sidoo kalena u hambalyeeyey gobolka Daad Madheedh oo isna qaaday koobkii kubada cagta ee koobkii goboladda Somaliland.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay  Badhasaab ku xigeenka gobolka Saraar Nuur Qaasim Qoddax , isu duwaha wasaaradda Dhalinyaradda iyo ciyaaraha ee gobolka Saraar , xildhibaano ka tirsan golaha degaanka ee degmada Caynaba iyo Professor Saleebaan Cali Cawad oo ka tirsan aqoonyahanka gobolka Saraar, waxaanay isu duweyaashan ku amaaneen munaasibadan dhiirigelinta ah ee ay u qabteen xulka orodada uga qaybgalay koobkii goboladda Somaliland, iyaga oo ciyaartoydaas uga mahadnaqay guusha ay gobolka Saraar usoo hooyeen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply