Xukuumadda Somaliland oo Qisaas ku Fulisay lix Qof

0
460
News

Hargeysa-(Hargeysa)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland , ayaa saaka dil qisaas ah ku fulisay lix gacan ku dhiigle oo ku jiray Xabisga Mandheera.

 

Lixda qof ee dilka lagu fuliyey ayaa waxa hore xukun dil ugu riday Maxkmaddaha Hargeysa iyo Burco. Waxana hadda dil toogasha ah lagu fuliyey Alle ha u naxariistee lixda maxabuus oo magacyadoodu kala ahaayeen.

1- Yaasiin Maxamed Yuusuf
2-Sharmaarke Sahal Oogle
3-Quulle Maxamed Cilmi
4-Khaalid Cabdi Xaydar
5-khadar Maxamed Warsame
6-Cabdikariim Maxamed Mahdi.
Fulinta dilkan ayaa ka dhacday duleedka xabsiga Mandheera oo ay ku jireen Maxaabuustan maaha markii kowaad ee xukun nooca oo kale ah laga fuliyo gudaha Somaliland balse marar badan ayaa dilal lagu fuliyey dad hore u dilay dadkale.

 

Leave a Reply