“Waxaa Naloo Ciqaabayaa Maxaad u Guulaysateen, Halka Soomaaliya Lagu Abaalmarinayo Guuldarada” Wasiir Sacad

0
644

Wareysi Telefishanka SACB News
Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dalkiisa loo ciqaabay maxaad u guulaysateen, halka dawladda taagta dasran ee Soomaaliya na lagu abaalmariyo guuldarada.

Dr Sacad ayaa waraysi uu la yeeshay Telefishanka SACB News ee dalka Koonfur Afrika, oo dhowaan lagu soo gebagebeeyey shirweyne lagaga hadlay aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa lagu waydiiyay su’aalo kala duwana, waraysigaasi oo uu soo xigtay wargeyska Dawan, ayuu wasiirku ku sheegay in aqoonsi la’aantu caqabo badan ku hayo dalkiisa, isla markaana tahay, xuquuqahoodi oo loo diiday.

Wasiirka ayaa la waydiiyay su’aal u dhignayd sidasn “Ma filaysaan inaad dhibane u tihiin guushiina, maxaa yeelay waxaad tihiin nabad, wax dareen ah oo deg-deg ah bulshada caalamku ma siinayso madax-bannaanidiina?”

Wasiirka maaliyaddas Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa su’aashaasi kaga jawaabay sidan:- “Waxaan filayaa inay taasi noqon karto qodob, hadaan runta u hadlo, ma nihin ummad qalqaali ah, oo haddii aanad sidaa ahayna dadku kuma dareemayaan. Markaa waxaan qabnaa in naloo ciqaabayo maxaad u guulaysateen, halka dawladda fashilantay ee Soomaaliya lagu abaalamiro guuldarada, taas oo runtii ah wax is diidan.

Wasiirka ayaa la waydiiyasy su’aal ahayd sidan:- “Waa maxay faa’iidada Somaliland ay ku heli karto aqoonsi buuxa oo ay hesho, muxuuser u soo kordhinaya dalka, maadama oo aad hore u guulaysateen?”

Dr. Sacad Cali Shire ayaa ku jawaabay sidan:- “Faaiidooyinka ka dhalan kara helitaanka aqoonsiga, wax aka mid ah sida, bilowga la ma macaamilka hay’adaha dhaqaalaha, Baanka Aduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika, maxaa yeelay xubin kama nihin, sidoo kale way dhib badan tahay inaad soo jiidato maalgashi baaxad leh hadii aanad aqoonsi haysan, taasina waa dhibaato kale.

Ma heli karno taageero ama kaabis miisaaniyadeed, waxaan ku tiirsan nahay cashuuraha aanu qaadno, gebi ahaan. Socdaalka sidaan hore u sheegay, dhibaato ayaan ku qabnaa, sida marka ardaydeenu waxbarasho dibadaha u doonanayaan, ama ganacsatadu dhigooda caalamku ula macaamilayaan, waxa jira xanibaado badan oo aqoonsi la’aantu nagu hayso, waxaanan qabaa in waxyaalahaasi yihiin xuquuqahayagii oo lanaga horistaagay”

Leave a Reply