Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Oo Daah-furay Taallada Taariikhda Qaranka Oo Dib Loo Casriyeeyey

0
473

Hargeysa-(Dawan)-Agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile, oo ay weheliyaan agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran iyo Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah  u shaaciyey dhismaha  taallo casri ah oo xambaarsan Astaamaha taariikhihii ugu waaweynaa ee ay Somaliland soo martay, taas oo laga dhisi doono duleedka madxafka qaranka ee uu dhismihiisu ka socdo badhtamaha caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda shaacinta dhismahan oo lagu soo bandhigay naqshaddda taalladaas iyo qaabka ay u ekaan doonto, ayuu agaasimaha guud ku faah-faahiyey ujeeddada laga leeyahay taalladan iyo waxyaabaha ay ka koobnaan doonto, waxana uu sheegay inay taalladu qayb ka tahay dhismaha madxafka weyn ee qaranka oo uu dhismihiisu socdo, kaas oo kamid ah midhaha siyaasadda madaxweynaha qaranka.

Agaasimaha guud madaxtooyada  Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile, ayaa sharraxay astaamaha sida gaarka ah uga muuqan doona taalladan oo diyaaradda Khayriyadda agteeda saarani qayb ka noqon doonta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Taalladani waxay koobsanaysaa taariikhda Somaliland oo dhan, diyaaraddanina waa qayb kamid ah taarikhihii oo ah dhibaatadii dalkan ka dhacday, laakiin taariikhaha Somaliland way ka badan yihiin, waxana ay kasoo bilaabmaysaa xilligii gumaystuhu dalka qabsaday, halgankii gobonnimo-doonka, halgankii Daraawiishta,  iyo kuwii ka dambeeyey oo dhan.”

Taalladan dhismaheeda la bilaabi doono, ayaa ah mid casri ah oo ay ka muuqan doonaan Astaamaha ugu waaweyn ee Taariikhda Somaliland,  halkaas oo ajaanibka dalka soo booqdaa si dhib yar uga daalacan doonaan dhammaan wixii dalkani soo maray.

Leave a Reply