Taliska Booliska oo ka Hadlay Soo Qabashada Nin Dil Geystay

0
530

Hargeysa (Dawan):- Taliska guud ee Ciidnaka booliska Somaliland,ayaa ka hadlay soo qabashada gacan ku dhiigle dil geystay oo la raadinayay isla markaana ay ciidanka boolisu ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi ayaa ka hadlay Alle Ha,Unaxariistee Marxuumad Nasteexo Ismaaciil Aadan oo lagu dilay Magaalada Hargeysa oo ninkii falkaa ku eedaysnaa ay ciidanka boolisku gacanta ku soo dhigeen.
Faysal Xiis Cilm oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku ay soo qabteen gacan ku dhiigle Nuux Axmed Ismaaciil oo Magaalada Hargeysa ku dilay Marxuumad Nasteexo Ismaaciil Aadan,waxaanu intaa ku daray in kiiskiisa ay u gudbin doonaan Xeer Ilaalinta iyo Maxkamada.

Faysal Xiis oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi”Gacan ku dhiigle Nuux Axmed Ismaaciil Nuux Cadaani waxa uu tegay Guri uu leeyahay Mustafe xasan Gaafaadhi oo uu ka maqnaa Wakhtigaas,hase yeeshee waxa joogtay Marxuumad Nasteexo Ismaaciil Aadan, gurig ayuu ku garaacay way ka furtay faashkii uu sitay Gacan ku dhiigluhu ayuu laba jeer kaga dhuftay Qadaadka goobtaas ayay ku dhimatay Marxuumadu ALLE Ha,u naxariisto,e waxaanu gabadhaas ku dilay hinaase Madaama Marxuumada uu ka dhaxeeyay Jacayl Telefoonka ayay iga qaban waday ayuu yidhi,”.

Afhayeenka ciidanka booliska oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay.”Markii falkaasi dhacay Ciidanka Boolisku hawlgal aad iyo aad u ballaadhan ayay sameeyeen waxa ay tageen goobtii uu deganaa Gacan ku dhiigluhu,waxa ay ka soo saareen Faashkii uu wax ku dilay waxa la keenay Xarunta CID waxa lagu Sameeyay Baadhis aad iyo aad u dheer.waxaana uu qirtay gacan ku dhiigluhu in uu dilay Gabadhaas,isagoo miyir kiisa iyo maankiisa qaba,waxaanu bixiyay qiraal sida uu qabo Xeerka Ciqaabta si ulakac ah ayuu gabadhaas u dilay waxaana Kiiskiisa loo gudbin doonaa Gacan ku dhiiglaha Maxkamadda iyo Xeer ilaalinta awooda u leh,”.

Afhayeenka booliska Somaliland Gashaanle Sare Faysal Xiis Cilmo oo bulshada farriin u diray ayaa usoo jeediyay in aanay ku deg deign faafinta wararka been abuurka ah isla markaana ay ka feejignaadaan wararka aan jirin ee lagu faafinayo baraha bulshada,waxaanu usoo jeediyay bulsahda in ay ka war sugaan baadhitaanada ciidanka booliska. “Bulshadu in ay been fidiyaan maaha in wax aan jirin ay sheegaan maaha oo ku faafiyaan Social Media oo Ceebayn ah,oo ah been aan sal iyo Raadtoona la hayn,waa in laga warsugo Ciidanka Booliska inta ay wax baadhayaan,laakiin Ciidamada Booliska oon dhamaystirin baadhistii waa dambi wax loo dulqaadan doono maaha waxaana Dadweynaha uga digaynaa in waxyaabaha noocaasa ay ka Waantoobaan,”.

Leave a Reply