KULMIYE oo Sheegay in ay Siyaasadooda ka mid tahay in Haweenku ka Dhex Muuqdaan Doorashada Wakiillada

0
568

Hargeysa (Dawan)- Xisbiga Xaakimka talada haya ee KULMIYE ayaa ka hadlay ahmiyada xisbi ahaan ay Haweenku u leeyihiin in ay isku taagaan Doorashada Golaha Wakiilada.

Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa sheegay in Siyaasadda Xisbiga ay ka mid tahay in Haweenku si mug leh uga qayb qaataan Doorashada Golaha Wakiilada,

Buuni oo Idaacada BBC -du wax ka waydiisay qoraal ka soo baxay Xisbiga KULMIYE oo lagu socodsiinayay Guddoomiyeyayaasha Xisbiga KULMIYE ee Gobolada in Liiska Musharixiinta Golaha Wakiilada in ay ku soo daraan xubin haween ah.waxaanu yidhi”Waxa aanu soo saarnay oo aanu ku amarnay Guddoomiyayaasha Gobolada ee Xisbiga KULMIYE in liiska Musharixiinta ay usoo gudbin doonaan Xisbiga ee Golaha Wakiilada u sharraxan in ay ku soo daraan Xubno Haween ah oo Gobol kiiba laga soo sharraxo xubin Haween ah,waxaanan goosanay ka Xisbi ahaan oo Siyaasadda Xisbigu tahay oo ahmiyad gaara aanu siinaynaa in Haweenku si mug leh uga qayb qaataan oo uga muuqdaan Doorashada Golaha Wakiilada ee dalka ayaanu Goosanay.”.

Waxaa kale oo uu ka hadlay Afhayeen Buuni in qorshihii hore ee ahaa in haweenka kuraas kooto looga dhigo in ay noqotay wax sharciga khilaafsan oo dastuurku baalmarsan isla markaana loo baahan yahay in haweenku ay xisbiyada dhexdooda ka helaan kuraas ay u tartamaan oo ay iska sharraxaan,waxaanu yidhi”Waxay labada gole Qaran isku raaceen in Kootada Haweenku ka hor imanayso Dastuurka dalka u yaala,markaa waxa aanu qaadanay Xisbi ahaan in Haweenku ka muuqdaan liiska Murashaxiinta Gobolada dalka,xubintii ugu horraysay ee Haween ah ee Cod ku soo baxday Xisbiga KULMIYE ayay ka soo baxday Doorashadii Golaha Wakiilada ee Sannadkii 2005.laf dhabar ayaanay u yihiin Haweenku Xisbiga KULMIYE Guddoomiye ku Xigeenkii ugu horreeyay ee Xisbiga KULMIYE waxa ay ahayd Haween Xuluumada way ka dhex muuqdaan Haweenka,”.

Leave a Reply