Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka oo Hargeysa Ku Qabtay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha

0
567

Hargeysa (Dawan)  – Khamiistii doraad oo ku beegnayd 10-ka bisha 12-aad , 2020 waxa dunida laga xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqal Aadamaha, taasi oo sannad kasta hal mar la qabto.

Sidaas darteed, Komiishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland oo wayneynaya Xuska 75-aad ee Maalinta Caalamiga ah ee xuquuqal iinsaanka ayaa Munaasibad ballaadhan ku qabtay Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Waiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Hinda Jaamac Xirsi (Gaani), Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, Guddoomiye ku-xigeenka Komiishanka Qoxootiga iyo Barakacayaasha JSL, Safiirka Dawladda Taiwan u fadhiya Somaliland, Agaasimeyaal, Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Marti-sharaf kale oo tiro badnaa.

Agaasimaha guud ee Komiishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Cabdisamad Sacad oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa faahfaahiyey waxyaabaha Komiishan ahaan u qabsoomay ee la xidhiidha Xuquuqda Aadamaha, waxaanu yidhi “Maanta waa Maalinta Caalamiga ah Xuquuqda Aadamaha, waxaynu u joognaa Xafladdan Wacyi-gelin in Dawlad iyo Bulshadaba lagu baraarugsanaado muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda aadamaha.”

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay “Komiishanku waa Hay’ad Qaran oo ku aasaasan Xeer Lr 39/2010, kaasi oo ku waajibinaya ilaalinta, kormeeridda iyo Kor-joogtaynta Arrimaha xuquuqal iinsaanka..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Komiishanka waxa u qabsoomay kormeerka dhammaan Saldhigyada iyo Jeelasha dalka, wuxuu kormeeray hannaanka Cadaaladda ee dalka. Wuxuu kormeeray oo uu War-bixino ka sameeyay xuquuqaha dadka nugul, sida Haweenka, Carruurta, Dadka Naafada ah, Dadka la hayb-sooco iyo Xaafadaha Baro-kacayaasha ah..”

Agaasime Cabdisamad Sacad waxa kale oo uu sheegay “Sannadkan waxa Komiishanka soo gaadhay 110 Cabasho oo ka dhan ah Arrimaha kala duwan ee xuquuqal iinsaanka nooc kasta oo ay tahayba, kuwaasi oo uu Komiishanku u adeegay, hadday tahay Caawin dhinaca Sharciga ah, hadday tahay Talo, Toosin iyo hadba wixii ay u baahan yihiin…” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Sannadkan waxa suurto-gashay in komiishanku furo Xafiisyada Gobollada Awdal, Togdheer, Sool iyo Xafiisyada Gobolka Saaxil oo hadda ku jira Bar-bilowgii, ujeeddaduna waa in Dadka Gobollada la gaadhsiiyo Adeegyada uu Komiishanku bixiyo oo ay heelaan Wacyi-gelinta Xuquuqaadka iyo meel ay uga caban karaan arrimaha xuquuqal iinsaan ee soo gaadha..”

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa ballan-qaaday inay Xisbi ahaan garab taagan yihiin Komiishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka JSL, waxaanu yidhi  “Annagu Xisbi ahaan waanu idin taageersanahay, waanuna idinla shaqaynaynaa, waanu u hanbalyaynaynaa hawsha wanaagsan ee agaasimuhu inoo carabaabay, waana wax aad iyo aad u wanaagsan, xuquuqda bini’aadamkana in badan ayaa la difaacayay, marka la yidhaaho bini/aadam waxaa hoos imanaya xuquuqdii carruurta, tii haweenka, tii dadka naafada ah, innagu maadama aynu nahay dad muslima waa aynu sugna xuquuqda dadka bini’aadamka ah, waxaa aan doonaya guddida xuquuqal iinsaanka Qaranku in ay aad wax uga qabtaan hayb sooca, waxaanay wax u dhimeysa qofka bini’aamka ah xuquuqda uu leeyahay inuu jiro.

Waa bilow wanaagsan koomiishanka xuquuqal iinsaanku in gobollada dalka oo dhan ay ka furtaan xafiisyo, haddii ay awoodi karaan degmooyinkana haku daraan.

Wacyi-gelinta Dadweynaha ee loo baahan yahayna diyaar baanu idinla nahay,  ”

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay xisbi ahaan ku kalsoon yihiin shaqada ay hayaan Komiishanka Xuquuqal iinsaanka Qaranku “Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego inaanu Komiishankan (Xuquuqal iinsaanka Qaranka) aanu Kalsooni buuxda ku qabno illaa hadda siday u shaqeeyaan.

Warbixin ayaanu ka sameynay xuquuqal iinsaanka oo aanu dhawaan kormeer ku sameynay jeelasha dalka, shalayna aanu ka haddalay ka xisbi ahaan, meelaha dhibaatooyinka ugu waa weyni ay ka jiraan waxaa ka mida saldhigyada, waxaana ka mida mushkiladaha ka  jira waxaa ka mida in qofka loogu tallo galay in 48-saacadood lagu hayo, ma dhacda aan taas is weydiino? Saldhigyadeenu waa kuwii la dhisay markii bulshada magaalada Hargeysii ay aadka u yareyd, taasina waxaa ay sababtay in had iyo jeer ay aad iyo aad cidhiidhi u yihiin, waxaa ay sababtay in aan caafimaadka dadkaasi la eegin, waxaana laga yaaba in qol yar oo konton qof ah in lixdan qof ku xidhan yihiin, oo hawadiisi aad u culus tahay, nadaafadiisiina aad u xun tahay, qof xannuunsanaya oo TB qabba in la keeno, marka waxaa loo baahan yahay in  nadaafadooda aan hoos u eegno, sidoo kalena saldhigyadu in ay yihiin meelaha aanay dawladdu cuntada ugu talo gelin, waxaa la soo xidhaa qof cidd wax u keentaba aanay jirin in la soo xidha.

Waxa wax aad iyo aad looga xannuunsado ah oo muddooyinkan danbe aad iyo aad inoogu soo badanayay kufsiga loo geysanayo hablaha loona baahan yahay bulsho ahaan in aynu diidno kana damqano kufsiga hablaha yar yar la kufsanayo.”

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan oo isaguna hadal ka jeediyey Xuska Maalinta Xuquuqal Iinsaanka ayaa sheegay in Muwaadiniinta la xidho sharciga lagu hor-geeyo muddo 48 Saacadood ah “Qofku marka uu danbi galo sida loo ilaalinayaa waxaa ay ka soo bilaabmaysa illaa wakhtiga la qabanayo, warqada qabashada, waraaq qabasho la’aanteed ee la qabann karo ee sharcigu banneeyay.

Waakan xeer illaaliyihii gobolku ila jooga, 48 Saacadood gudahood baa lagu geeyaa Qofka la soo qabto, Waayo? waa Qasab oo annagaa booliska kula xisaabtana, waana inuu (boolisku) 48 Saacadood gudahood ku keenaa.

Haddii kale waa in uu maxkamadda ku weydiista oo yidhaaha saddex cisho, afar cisho isii waa haddii kiiskaasi uu yahay mid culus sida argagixiso oo kale”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Jamaal Cabdi Muuse ayaa isaguna halkaa ka sheegay in Dastuurka JSL uu damaanad qaaday Xuquuqda Shacabka Somaliland.”Halku dhiga sannadkani sida ka muuqata boodhka waa ‘Soo kabashada wacan iyo u taagnaanta xuquuqda aadamaha, Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxaa uu leeyahay dastuur, waxaana ku sugan ilaalinta iyo dhawr sannaanta xuquuqda aadamaha.

Kalmadda xuquuq waxay Dastuurka JSL ku soo noqnoqotay 18 jeer, taasi waxay tilmaamaysaa in Dastuurkaagu yahay mid si wanaagsan u sugay Xuquuqda Aadamaha”

 

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) ayaa isaguna Munaasibad ka diray Farriin siyaasadeed oo ku waajahan Beesha Caalamka, waxanu yidhi  “Waxaan u soo noqonayaa xuquuqda Somaliland ay ku leedahay beesha caalamka.

Mudanayaal hadaad tihiin Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa, hadaad tihiin Midowga Afrika, hadaad tihiin Jaamacada Carabta, haddii aad tihiin Mareykanka, shanta Qaaradood ee adduunka iyo warbaahinta caalamiga ah.

Waxaan halkan baaq uga dirayaa annigo ku hadlaya magacii golaha guurtidda Somaliland, Somaliland xuquuqdii ay adduunka ku laheyd wey fulisay, haday doorasho tahay, haday mid madaxweyne tahayba, haday hawada iyo badaba tahay, iyo dariskeedaba,  Beesha Caalamka waxaanu ugu baaqaynaa inay Somaliland ka hesho xuquuqdii ay Xaqa ugu lahayd.”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada, Shaqo-gelinta iyo Qoyska ee JSL Marwo Hindi Jaamac Xirsi (Gaani) oo iyaduna Munaasibadda ka hadashay ayaa soo jeedisay “Tacadiga iyo kufsiga hablaha lagu kacayo ee la jar jarayo islamarkaana nafta la dhaafinayo, haddii aan talaabo deg dega laga qaadin oo aan eedaysanayaasha lagu hayo, xukuumadda iyo xeer ilaalinta iyo bahada dastuurkuba, oo loogu quus goynayo inta kale ee dibada joogta waxaa ay gaadhayaan heer aan hablaha iskuul loo dirin, oo malcaamad loo dirin, oon shaqo loo dirin, oo aanay dibada u soo bixin, lagana yaaba in aanay gurigooda gudihiisana aanay ku nabadgeleyn.

Sidaasi darteed mudane madaxweyne ku xigeen, addiga iyo bahada shuruucda oo dhan anniga oo afka haweenka iyo arrimaha bulshada ku hadalaya aan idiin soo jeedinaya codsi ah in la sameeyo Xeer difaacaya oo ilaalinaya xuquuqda Hablaha iyo Carruurta Tacadiyada loo geysto ee Hablo iyo Wiilalba leh”

Munaasibadda waxa kale oo ka hadlay Xubno ku hadlayey Magaca Ururrada Bulshada Rayidka ah, Komiishanka Barakacayaasha, Saxaafadda iyo Naafada waxayna amaaneen dedaalka Komiishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka, waxayna sheegeen inay ku barbar-taagan yihiin dedaalkiisa la xidhiidha in helo Dal ka madhan in Dadku is-dulmiyo.

Guddoomiyaha Komiishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka JSL Maxamed Baaruud Cali oo isaguna Xuskaasi ka jeediyey hadal kooban ayaa yidhi  “ILLAAHEY Qur’aanka wuxuu ku yidhi ‘Waanu karaamaynay Bani-aadamka’ laakiin muu odhanin ‘Ragga ayaanu sharafnay’, markaa Xuquuqda in Rag iyo Dumarba loo sinaado oo weliba Dumarka iyo Carruurta la ilaaliyo oo la is xasuusiyo waa wax mudan.

Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah uga hadlay Tacadiyada dumarka loo geysto waxaa uu yidhi. “Qofka dumara ee tacadiga lagu sameynayaa hadda ogow waa walaasha, waa taad dhashay, waa hooyada, waa xaaskaaga, marka bal qofka waxan sameynayow aad ugu fiirso waxaan aad sameynayso iyo halka aad u socoto”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna Munaasibadda soo gunaanaday ayaa yidhi “Nin kasta oo Xafiis joogaa inuu Ummadda u sinaado u xaq-soorkeedu waxay ka mid tahay xuquuqal iinsaanka.”

Madaxweyne ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay “Maanta waxaynu u joognaa inaynu garab joogsano cid kasta oo nugul iyo Cid kasta oo xuquuq ka maqan tahay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku sii daray “Komiishanka xuquuqal iinsaanku wuxuu u soo diyaar-garoobay oo uu wacyi inaga siiyey hawshii loo xil-saaray, halkay wax marinayaan iyo siday dar-dar-geliyeen.”

Mudane Saylici wuxuu amaanay dedaalka Guddoomiyaha Komiishanka xuquuqal iinsaanka “Komiishanku wuxuu aasaasan yahay 10 sanadood, muddada uu Maxamed Baaruud joogayna wax weyn ama Tallaabooyin aad loogu dhiirado ayay qaadeen, sababtuna sida la sheegay Maxamed wuxuu ahaa Dadkii lagu dhibaateeyay fikirkiisa shaqsiga ah”

Ugu dambayn, Maalinta Caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha oo 1948-kii loo asteeyay in sannad kasta la xuso 10-ka bisha December ayaa Muddadaa waxa ka soo wareegay 75 sanadood.

Mudadii ay socotay munaasibada xuska maalinta xuquuqda aadamaha ayaa waxaa lagu soo bandhigay, ruwaayado iyo heeso ka hadlaya tacadiga loo geysto haweenka.

Sidoo kale waxaa goobtaasi lagu soo bandhigay warbixin koobsaneysa shaqada uu Qaranka u hayo koomiishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland.

Halknan ka Daawo

 

Leave a Reply