Mudanayaasha Golaha Guurtidda oo lagu Wargeliyay in ay Is-diwaangeliyaan

0
439

Hargeysa (Dawan) Guddoomiye ku xigeenka golaha guurtida Somaliland, mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa muddanayaasha golahaasi ku wargeliyay intooda aan nasiibka u helin in ay is diwaangeliyaan wakhtigii hore ee diwaangelinta in ay imika ka faa’ideystaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in goluhu fasax yahay ilaa inta laga gaadhayo Sabtida toddobaadka fooda innagu soo haysa haddii ILLAAHEY yidhaaho.

Sidoo kale mudanayaasha waxaa uu faray in ay inta ay fasaxa ku jirin, isna diwaangeliyaan ciddii doonaysana ay wacyigelinta ka qayb qaadato.

Guddoomiye ku xigeenka golaha guurtida Somaliland, mudane Siciid Jaamac Cali, isaga oo arrimahaasi ka hadlayanaw waxaa uu yidhi. “Waxaa caasimada ka bilaabantay diwaangelintii kaadhka codbixiyeyaasha Somaliland, waxaa laga yaaba in xildhibaanada qaarkood aanay wakhtigii hore iyaga iyo ubadkoodu toona wakhti u helin inay is diwaangeliyaan.

Haddaba intii is diwaangelineysa ha is diwaangeliso, ciddi wacyigelinta ka qayb qaadaneysaana haka qayb qaadato laga gaadhayo ilaa Sabtida toddobaadka fooda innagu soo haya fasax ayaad tihiin”

Leave a Reply