Faylsuufkii Sokhret waxa uu qabay gabadh buuqa iyo qaylo badan, taasi waxay keentay in subaxdii marka uu guriga ka baxo aanu ku soo noqon ilaa habeenki. Way ku qaylin jirtay xataa isagoo aradaydiisa waxa u dhigaya. Laakiin waxa uu ahaa nin aamusan, oo dulqaad leh. Waxaana uu yidhi :” Haddii aanan haysan gabadhaydan qayla badan maan ogaadeen qiimaha aamuska iyo dulqaadku leeyahay iyo raaxada hurdadu leedahay” Sokhret uma jawaabi jirin, habeenkii marka uu tago isagoo daalana wuu seexan jiray.
Waxay ahayd gabadh cadho badan waxaana ay u dhimatay markii ay maalin ku qaylisay oo xoog u cadhootay markii uu jawaabi waayay, iyadoo ka cadhootay oo wakhtigaasi wadnuhu istaagay. Waaxana uu yidhi weedha caanka ah :” guurso , haddii gabadhu kuu wanaagsanaato waxaad heli nolol fiican, haddii ay xumaanta waxaad noqon faylasuuf”.